Atiriishada Tabu waa mid kamid ah xidigaha ugu caansan Bollywoodka sido kalena waxay kamid ahed xidigihii 90kii film jilista bilaawen.

Hadaba Tabu in badan ayee dadka is weydiyeen sababta ay ilaa hada kali’ utahay oo aysan u guursan waana arin weyn oo dadka qaasatan saxaafada la daba kaceen xidigtaan.

Waa 47 jir ilaa hadana aanan guursan walina doob ah wax caruur ahna dhalin sidaa awged mar dhoweyn oo wax laga weydiyay guurkeda ayee sida tan ku jawaabtay.

“Ma aqaan dadka waxa daba dhigay guurkeyga oo marwalba maadeysi oga dhigtaan nolosheyda gaarka ah, qofka caruur ha dhalo ama yuusan dhalin ha guursado ama yuusan guursanin marwalba waxaa wanaagsan in aadan daba galin shaqsi kale noloshiisa gaarka ah.”

“Aniga ma ahi qof afaare dad kale galo ama ogaada shaqsiyaadka waxa uqaaska ah marka waxaan la yaabay saxaafada iyo dadka kaleba waxa daba dhigay nolosheyda gaarka ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here