Home » Nolosha Jilaayaasha » Takht Hadal Heyntiisa: Waxuu Noqday Filmkii Kowaad Ee Xidigo Waa Weyn La Isugu Keeno!!

Takht Hadal Heyntiisa: Waxuu Noqday Filmkii Kowaad Ee Xidigo Waa Weyn La Isugu Keeno!!

Takht waa film layaab leh oo waxyaabo badan isku darsaday marka meelo badan laga eego waa film taariikh ah oo ka hadlaayo boqortooyo lagu magacaabo mughal oo Asia xukumeysay qarnigii 15-aad ilaa qarnigii 16-aad ee taariikhda miilaadiga.

Filmkaan waxaa wada jilayaan xidigo waa weyn oo kala ah Ranveer Singh, Kareena Kapoor Khan, Alia Bhatt, Jahnvi Kapoor, Anil Kapoor, Vicky Kaushal, Bhumi Pednekar iyo kuwa kale.

Waa filmkii ugu horeyay Bollywood ah oo intaan xidigo waa weyn la isugu keenayo mid walbana door dhameestiran ku lahaan doono wey jirtaa filmo xidigo waa weyn la isugu keenay sida Kabhi Khushi Kabhie Gham, Kabhi Alvida Na Kehna, Raajneeti iyo kuwa kale.

Balse saameen ahaan Takht ayaa ka saameen badan sida loo xiiseenayo mashruucan waa mid layaab leh baraha bulshadana saacad walba laga hadal haya.

Maxaa Kamid Ah Waxyaabaha Uu FIlmkaan Isku Darsaday Halkaan Hoose Kaga Bogo:

XIdigo badan ayaa la isugu keenay oo midwalba magac weyn kuleh Bollywoodka.

Ranveer Singh iyo Kareena Kapoor ugu dambeen wey wada shaqeen doona marar badan ayee ku sigteen inee mashaariic wada sameyaan.

Karan waxuu Director u noqon doona markii ugu horeysay Jahnvi Kapoor, Ranveer Singh, Bhumi Pednekar iyo Anil Kapoor.

Jahnvi Kapoor ayaa markii ugu horeysay adeerked Anil Kapoor la shaqeen doonto shaashadana kala soo muuqan doonto.

Karan Johar taariikhda markii ugu horeysay ayuu film taariikhi ah ama qiso dhacday uu film ka sameen doono Director-na ka noqon doona.

Alia Bhatt iyo Kareena Kapoor ayaa isla shaqeen doonan markii labaad kadib Udta Punjab mashruucna wada hogaamin doonan ayago atirishooyin awoodleh wada ah xiligaan..

Janhvi mar labaad ayee Dharma Productions film usameen doonta maadama Dhadak ay horey ugu sameesay iyo waxyaabo kale oo badan.

Dhamaad

2 Responses to Takht Hadal Heyntiisa: Waxuu Noqday Filmkii Kowaad Ee Xidigo Waa Weyn La Isugu Keeno!!

  1. Ayaan muuse

    August 10, 2018 at 10:34 pm

    kareena iyo Alia bhat film hore soo kama soo wada muuqan

    • Ali Aadan

      August 10, 2018 at 11:07 pm

      Waa runtaa walal Udta Punjab ayee wada sameyeen dib ayaan u saxnay qodobkaas