Ajinabe waa mid kamid ah filimada ugu caansan Bollywoodka sameyeen qarnigaan cusub waxaana markii ugu horeysay ku midooweyn saaxiibada Bollywoodka isugu jecel Akshay Kumar iyo Bobby Deol.

Maanta oo kale 21 September sanadkii 2001 ayaa la daawaday waxuuna noqday Average ama filim guul dhexdhexaad ah gaaro ganacsi ahaan balse hadal heyn weyn dhaliyay bilawgii qarnigaa dhacdooyinkiisana wey fara badan yihiin.

Waxaa wada jileen Bobby Deol, Akshay Kumar, Kareena Kapoor, Bipasha Basu, Johnny Lever iyo kuwa kale iyo kuwa kale oo badan halka Abbas-Mustan ay Directors ka ahaayen waa labada mataanaha ahe. Fadlan hoos kaga bogo xaqiiqooyin u gaar ah Ajinabe oo maanta u dabaal dagayaa sanad guuradiisa 18-aad oo xiliga la daawaday laga joogo:

Xaqiiqada 1-aad: Superstar Akshay Kumar ayaa filimkaan soo laabasho weyn ku sameeyay abaartii Box-office-ka heesatayna kaga baxay mashruucan maadama sanadkaan atooraha loogu hadal heyn badnaa uu noqday horeyna waxaa loogu bixiyay magaca “Flop Actor” balse Ajinabe ayuu kaga haray magacaas.

Xaqiiqada 2-aad Akshay Kumar waxuu filimkaan ku qaatay abaal marinta kaaba laadarka ugu wanaagsan sanadka oo Filimfare ay gudoon siisay waana abaal marintii ugu horeysay abid Filimfare siiyaan xidigaan doorkiisa waa loo sacab tumay.

Xaqiiqada 3-aad Bipasha Basu ayaa kusoo caan baxday Filimkaan waana midkii ugu horeeyay Bollywood ay kaga soo muuqatay.

Xaqiiqada 4-aad: Goobaha Filimkaana lagu duubay waxaa kamid ah Dubai, Muscat iyo Bahrain.

Xaqiiqada 5-aad: Waa filimkii labaad Akshay Iyo Abbas-Mastan kawada shaqeyaan halka filimkooda kowaad uu ahaa Khiladi (1992).

Xaqiiqada 6-aad: Kareena Kapoor iyo Bobby Deol dagaal caan ah ayaa kudhexnaray filimkaan intii la duubaayey waxaana uvu wacan xaaska Bobby Deol ee Tanya Deol iyo Kareena hooyaded Babita ayaa afka ka murmeen taaso Kareena ka xanaajisay waxaana dhacay dagaal afka ah.

Kareena waxaa la sheegay inee la dagaalami laheed Tanya Deol halka Bobby Deol xaaskiisa uu difaacay taaso kaliftay inee kukala guuraan Bobby iyo Kareena dhowr sano kadib ayee wada sameyeen filimka Dost (2005) balse hada waa asaxaab isku fiican.

Kareena iyadoo ka xun inee Bobby la dagaasho waxay tiri,”marnaba ma jecleen Bobby inaan isku dhacno waayo waa qof xushmad badan saaxiib fiicana ah balse xaaskiisa dabeecad fiican malaha hadii Bobby halmar idhageysan lahaa siduu xaaskiisa wax walbo oga dhageystay markaa Ajinabee duubeynay marnaba khilaaf ma dhaceen.”

Xaqiiqada 7-aad: Kareena iyo Bipasha dagaal afka ah ayaa ka dhaxeeyay intii Ajinabe la duubaayey caadi ayeena isku foodeyn jireen sabab la xiriira xifaaltan ka dhaxeeyay xiligaas waxaa dhacday xitaa shaqalaha Make-up-ka u marinayeen labadooda inee isku dagaaleen oo Kareena si xoog ah ayeeba shaqaalihi kula wareegtay.

Marwalba Kareena waxay Bipasha ugu yeeri jirtay magaca “Kaali Billi” magacaaso Bipasha dhibsan jirtay.

Xaqiiqada 8-aad: Doorka Akshay Kumar waxaa markii hore loo bandhigay Shah Rukh Khan wuuna iska diiday waxuuna xiligaa go’aansaday door xumaan ah inuusan sameynin hadana Bobby Deol ayaa loo bandhigay balse Bobby waxuu sheegay kaliya door daacad ah inuu sameeynaayo oo uusan shaqo kulaheen xumaan iyo laadarnimo.

Xaqiiqada 9-aad: Filimkaan markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo in la sameynaayo 1999 ayee ahed waxaana xiligaas loo bixiyay magaca Talaash hadii sidaa lagu wadi lahaa waxa dhici laheed in Bebo kasoo muuqan laheed labo filim oo magaca Talaash wataan, Bipasha Basu waxay ku qaadatay Filimka abaal marinta Filimfare qeybta atiriishada sanadka Bollywoodka kucusub mida ugu fiican.

Xaqiiqada 10-aad: Qaar kamid ah qorayaasha Filimkaan ayaa soo jeediyeen in doorka Akki ee xumaanta wax lagu kordhiyo sida inuu sameeyo ficilo anshax-xumo ah, aflagaado, xumaan joogto ah balse Abbaas-Mastan ayaa diideen waxayna sheegen in Akki aktooda xushmad ku leeyahay atoore magac lehna uu yahay waxaasna uusan sameyn doonin xitaa haduu isaga ogolaado marka doorkiisa dahabiga ah sidiisa kudhaafa ayee dhaheen waana loo dhaafay.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here