Labada Superstar ee Koonfur Hindiya awooda ku leh Vijay iyo Jr. NTR ayaa la sheegay inay taleefoon ku wada sheekeesteen waqti dheerna wada hadlayeen waxaana la sheegay in NTR uu saaxiibkiis Vijay ugu hambalyeeyay filimkiisa Bigil ee Blockbuster-ka weyn noqday kaasi oo 300 Crore sare u dhaafay ganacsigiisa dibad iyo dal.

Haddaba Vijay filimkiisa Bigil oo 25-kii October 2019 ama feestadii Diwali tiyaatarada la saaray sidoo kale asigoo Af Telugu lagu codeeyay loona bixiyay magaca Whistle waxaa la saaray dhul weynaha Telugu wuxuuna halkaas ka noqday HIT weyn sidoo kalena daawadayaasha reer Telugu fariinta filimkan siweyn ayay kaga heleen.

Filim soo saaraha caanka ah Mahesh Koneru oo markii hore iibsaday xuquuqda qeybinta cajaladaha filimka Bigil dhanka Telugu ayaa u mahad celiyay Superstar Vijay sidoo kalena wuxuu sheegay in Jr. NTR ka helay filimka Bigil kadibna u Vijay taleefoon ka wacay uguna hambalyeeyay mashruuciisa guusha lixaada leh uu gaaray waxayna wada hadleen waqti dheer.

Sidaa darteed shabakadaha Koonfur Hindiya waxay siweyn iskula dhex marayaan in NTR uu xiiseesanyo dib u sameynta filimka Bigil asigoo Telugu ah sidoo kalena saaxiibkiis Vijay ka aqbalay waana wax soo jireen ah in shirkadaha Koonfur Hindiya fariimaha kala qaataan haatana meesha lagama saari karo Bigil oo Tamil ah asigoo Telugu ah inuu Jr. NTR sameeyo balse arintaan labada dhinac cidna si rasmi ah uma xaqiijinin.

NTR haatan wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimka RRR oo ay isla jilayaan Ram Charan sidoo kalena SS Rajamouli Director ka yahay halka Vijay isagana uu duubayo filimkiisa 64-aad ee aan magaca loo bixinin waxaana Director ka ah Lokesh Kanagaraj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here