Xidigta caanka ah ee laga daba dhacay Tamannaah Bhatia dhawaanahan saxaafada Koonfur Hindiya ayaa culees ku hayaan madaama filimkeedii ugu dambeeyay Action oo ay la sameesay Vishal Flop ka noqday kadibna xidigtan mudo 4-bilood ku dhow wax filim cusub ah ma aysan saxiixanin.

Sidaa darteed warbaahinta waxay isla dhex marayaan in Tamannaah Bhatia weesan tahay cid filim u dhiimato haatana shaqo la’aan tahay sidoo kalena Suldaan Mahesh Babu garab siiyay madaama filimkii Sarileru Neekevvaru ee Mahesh hogaamiye ka ahaa xidigtaan hal hees kala kacsan ka qaaday laakiin sanadkan 2020 filim hogaamiye ka tahay uma soo bixin mana jiro mashruuc cusub oo ay gacanta ku heesato.

Tamannaah Bhatia waxay tiri “Waan ka xumahay kuwa aniga igu mashquulsan yahay uma haayo jawaab micno daro ah, marnabo shaqo la’aan iguma dhicin ee anigaa bilaabay inaan taxadir badan sameeyo dhanka kala doorashada aflaanta, dhawaana marka xaalada caadi kusoo laabato filimo kala duwan ayaan saxiixan doonaa.”

Tamannaah Bhatia oo fariin u direyso taageerayaasheeda waxay tiri “Sanadkan labo filim ayaa ii diyaarsan ee shaashada kama maqnaan doono waxayna kala yihiin filimka Bollywood-ka ah Bhole Chudiyan oo aan la jilaayo Nawazuddin Siddique iyo filimka Telugu ah Seetimaarr oo aan shaashada kala soo muuqan doono markii ugu horeesay Gopichand.”

Nasiib wacan ayaan leenahay Tamanaah oo ka mid ah atirishooyinka Koonfur Hindiya ugu caansan lana shaqeesay atoorayaasha Koonfur ugu awooda badan sida Mahesh Babu, Pawan Kalyan, Ram Charan, Jr. NTR, Allu Arjun, Chiranjeevi iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here