Shabakada Andhara Box Office waa shabakad laga leeyahay koonfur gaar ahaan Telagu waxayna wax ka qortaa inta badan filimada koonfurta.

Shabakadaan oo loo tixgaliyo mid kamid ah shabakadaha ugu fiican Hindiya kuwaasoo filimada wax ka qoraan ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkii Box Officeka baryahaan ka jiray ee Telagu v Tamil eexasho sameysay ayadoona u eexatay filimada Sarileru Neekevvaru iyo Ala Vaikunthapurramloo kuwaasoo ay kala hogaaminayaan Suldaan Mahesh Babu iyo Stylish Allu Arjun waana filimo Telagu ah waxayna xaqiraad ku sameeyeen filimka weyn ee Darbar misna Tamilka ah ee uu hogaamiyaha kayahay Mega Star Rajinikanth

Sida aan maalintii shalay idinla wadaagnay filimka Darbar ayaa keenay isku darka gudaha India iyo daafaha caalamka mudo 9 maalmood 149 crore anagoo soo xiganay shabakada Box Office Andhara balse waxaa maanta cadaatay in xogtaan been tahay isla markaasna shabakada Andhara Box Office lacagaha filimkaan siweyn hoos ugu dhigeen si ay uga saro mariyaan filimada Sarileru Neekevvaru iyo Ala Vaikunthapurramloo.

Sida cod sir ah laga helay shabakadaan ayaa la ogaaday in si ula kac ah lacagaha filimka Darbar hoos ugu dhigeen kaasoo sida rasmiga mudo 9 maalmood kusoo xareeyay 200 crore kabadan isku darka gudaha india iyo daafaha caalamka balse Andhara Box Office ay ka jartay lacago kor u dhaafayo 50 crore waxaana la ogaaday sababta ay uga jartay iney tahay sidii lacagaha filimada Mahesh Babu iyo Allu Arjun oo Telagu isla yihiin uga kormarin laheyd misna Box officeka guul ugu siin laheyd.

Isku soo wada duuboo shabakda Andhara Box Office ayaa haatan fadeexo bartanka kaga jirta waxaana eegi doonaa halka ay arintaan ku dhamaato.

FG; Dhawaan naga filo lacagaha Rasmiga ee filimada Darbary, Sarileru Neekevvaru iyo Ala Vaikunthapurramloo anagoo waliba xogta rasmiga idiin soo gudbin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here