
Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo Update gareesay filimka weyn Tanhaji – The Unsung Warrior ganacsigisa uu gudaha Hindiya ka sameeyay gobol walbo iyo ganacsigiisa dibad iyo dal wuxuuna noqday Blockbuster weyn oo Superstar Ajay Devgn sanado badan ku faani doono mashruucan masraxa la saaray 10-kii Janaayo 2020.
Filimka Tanhaji – The Unsung Warrior ganacsigiisa dibad iyo dal wuxuu soo xareeyay 354 Crore ($46.59m) wuxuuna sidaas ku noqday Ajay Devgn filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo ganacsiga dibad iyo dal la isku daray wuxuuna dhaafay filimkii Golmaal Again oo 311 Crore horey usoo xareeyay.
Sidoo kale Tanhaji wuxuu iskoor waali ah ka dhigay Mumbai iyo hareeraheeda asigoo 140 Crore ganacsigiisa nadiifka ah ka talaabay waana filimka lacagaha ugu badan suuqan kasoo xareeyo ee Hindi ama Bollywood ah balse dhamaan gobolada Hindiya filimkan wuxuu ka sameeyay ganacsi wanaagsan iyo mid dhex dhexaad isugu jiro.
Marka aan la bar bar dhigno Tanhaji aflaantii sanadkii hore soo baxeen filimkan ganacsigiisa dibad iyo dal kaliya waxaa ka badan filimada War (442 Crore) iyo Kabir Singh (373 Crore) halka isagana uu ka lacag badiyay filimada The Surgical Strike (338 crore), Bharat (308 crore) iyo Good Newwz (304 crore) oo ka mid ahaayeen aflaantii sanadka hore Bollywood-ka sameeyeen ee lacago 300 Crore ka badan soo xareeyeen ganacsigooda dibad iyo dal marka la isku daro.
Ugu dambeyntii fadlan hoos kaga bogo filimka Tanhaji iyo gobol walbo gudaha Hindiya ganacsiga rasmiga ah uu ka sameeyay canshuurta kadib soona daabacday shabakada BOI:
Mumbai – 143.81 (All Time Record aflaanta Bollywood-ka oo kaliya ayuu iskoor u dhigay)
Delhi / UP – 34.24 Crore
East Punjab – 13.52 Crore
Rajasthan – 9.31 Crore
CP Berar – 19.43 Crore
CI – 7.59 Crore
Nizam / Andhra – 16.08 Crore
Mysore – 9.05 Crore
Tamil Nadu / Kerala – 1.84 Crore
West Bengal – 6.42 Crore
Bihar – 5.09 Crore
Assam – 1.33 Crore
Odisha – 1.97 Crore
Wadarata Guud Canshuurta Kadib- 269.70 Crore
Wadarta Guud Canshuurta Ka Hor – 321.76 Crore
Tanhaji iyo ganacsigiisa suuqya caalamka suuq walbo xogtiisa lasoo saxay:
US / Canada – $2.26m
United Kingdom – £162,500
Gulf – $1m
Australia – A$668,000
Wadarta Guud- $4.680m (32.76m)
Wadarta Guud Ganacsiga Dibad & Dal – 354.52 Crore ($46.59m)