Filimla Tanhaji – The Unsung Warrior ayaa wacdaro aan horay loo arag Box Officeka ka dhigaayo wuxuuna shalay oo sabtidiisii 3aad aheyd soo xareeyay 8.50 crore taasoo ka dhigan in mudo 16 maalmood uu filimkaan maraayo 206 crore.

Tanhaji ayaa haatan u muuqdo inuu noqo noqon dooni filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa 3aad sadaxda maalin ugu horeyso wuxuuna jabin doonaa rikoorka ay horay u dhigeen filimada PK iyo Dangal kuwaasoo ahaa filimada lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkooda 3aad sadaxda maalin ugu horeyso markii meel la iska soo dhigo Bahubali 2.

Ganacsiga uu Tanhaji maalintii shalay aheyd sameeyay waxay hubaal ka dhigtay in filimkaan 250 crore dhaafi doono isla markaasna qiyaas ahaan gaari karo 275 crore waana Blockbuster weyn.

Maanta waa maalin fasax qaran uu gudaha India oo dhan ka jiro waxaana lagu wadaa in Tanhaji uu ganacsigii shalay mid kabadan soo xareeyo.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 16 maalmood ganacsiga uu sameeyay.

Week 1; 115.28 crore.

Week 2; 77 crore.

Jimce; 5 crore.

Sabti; 8.50 crore.

Wadarta guud; 205.88 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here