Inaba caadi ma ahan Superstar Ajay Devgn filimkiisa Tanahji – The Unsung Warrior ganacsiga taariikhiga ah ee uu sameenayo waayo filimkan Sabtigiisa afaraad wuxuu keenay 4.25 Crore xitaa filimkii Kabir Singh ee sanadkii hore Hindiya ka yaabsaday sabtigiisii 4-aad waa u suurta gali weesay inuu 4 Crore keeno waana hubanti inuu noqon doono filimka sedexaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa afaraad sedexda maalmood ugu horeyso waxaana ka horeyn doonaan oo kaliya Uri – The Surgical Strke iyo Bahubali – The Conclusion.

Sidoo kale Tanhaji ganacsi waali ah wuxuu ka sameenayaa Mumbai iyo hareeraheeda wuxuuna ilaa haatan kasoo xareeyay 125 Crore wuxuuna 20 Crore suuqaan ku dheeraaday filim kasto oo Bollwood ama Hindi ah ayadoon aan xisaabta lagu dareyn Bahubali 2.

Ilaa iminka filimka Tanhaji wuxuu soo xareeyay 238 Crore waxaana muuqato inuu ganacsigiisa 250 Crore ku dhawaan doono marka uu todobaadkiisa afaraad dhameesto sidoo kalena cimri ahaantiisa waxaa lagu qiyaasaa inuu gaari doono 260 Crore ilaa 270 Crore inta u dhaxeyso.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Tanhaji ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 115.28 Crore

Todobaadka labaad – 77.87 Crore

Todobaadka sedexaad – 38.50 Crore

Jimco afaraad – 2.25 Crore

Sabti afaraad – 4.25 Crore

Todobaadka afaraad – 6.50 Crore (mudo 2-maalmood ah)

Wadarta Guud – 238.15 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here