Inaba caadi ma ahan qaabka waalida ee uu ku socdo filimka Tanhaji – The Unsung Warrior kadib markii uu 3da maalmood ugu horeyso todobaadkiisa labaad keenay 47.25 crore asigoona kaliya sameeyay 20% hoos u dhac ah markii lala barbardhigo todobaadkiisa koowaad waana lacagihii ugu badnaa ee filim todobaadkiisa labaad 3da maalin ugu horeyso keeno tan iyo filimkii Sanju ee la daawaday 2018dii.

Tanhaji ayaa cagta mariyay gabi ahaanba lacagihii ay todobaadkooda labaad 3da maalin ugu horeyso keeneen filimada ay kamid yihiin Kabir Singh iyo Uri – The Surgical Strike iyo Good Newwz waana filimadii sanadkii hore lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkooda labaad 3da maalin ugu horeyso.

Tanhani ayaa haatan wali heysto jaanis uu ku dhaafi karo lacagaha uu soo xareeyay filimka Kabir Singh todobaadkiisa labaad waase hadii maalmaha shaqada uu is celiyo misna hoos u dhac weyn sameynin.

Awal waxaa lagu taamayay in filimkaan beegsan doono darajada 200 crore balse haatan sheekada waa ka dalacday midaas wuxuuna filimkaan usii dalacay 225 crore inuu cimri ahaantiisa keeno layaabna ma noqon doonto haduu lacago intaas kabadan soo xareeyo filimkaan.

Tanhani ayaa axadii shalay aheyd keenay 21.50 crore taasoo filimkaan ka dhigtay mid Super Hit ah asigoona haatan ganacsigiisa guud uu maraayo 162 crore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 10 maalmood ganacsiga uu ku sameeyay;

Week 1; 115.28 crore.

Jimcadiisa 2aad; 9.75 crore.

Sabtidiisa 2aad; 16 crore.

Axadiisa 2aad; 21.50 crore.

Wadarta guud; 162.28 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here