Tanhaji-The Unsung-Warrior ayaa Mumbai iyo hareeraheeda ka keenay 141 Crore mudo 45 maalmood oo uu tiyaatarada saarnaa sido kalena 1 Crore ayuu kudarsan doonaa ganacsigiisa Mumbai cimri ahaan.

Tani waxay ka dhigantahay 37 Crore inuu ka sareeyo ganacsi ahaan Filimka Dangal marka Mumbai la joogo waayo Dangal waxuu ahaa Filim Bollywood kii lacagaha ugu badan abid ka keenay Mumbai iyo hareeraheeda balse hada Tanhaji ayaa si weyn udhaafay waqti dheer ayeena qaadan doontaa in iskoorka Tanhaji ee Mumbai la jabiyo.

Baahubali 2 ayaa Mumbai ka keenay 185 Crore cimri ahaan balse waa Filim koonfur ah farqiga Baahubali iyo Tanhaji waa in Baahubali 2 Gujarat kaliya 40 Crore ka keenay mooyee Maharashtra qeybaheeda kale ganacsi ahaan wey ka siman yihiin waliba meelo qaae Tanhaji ayaa ku lacag badan.

Halkaan hoose kaga bogo 10-ka Filim lacagaha ugu badan ka keenen Mumbai iyo suuqyada dariska la ah taariikh ahaan:

1-Baahubali-The Conclusion-185.76 Crore

2-Tanhaji-The Unsung Warrior: 141 Crore (45 maalmood)

3-Dangal: 104.26 Crore

4-PK: 104.21 Crore

5-Tiger Zinda Hai: 104.40 Crore

6-Sanju-101.86 Crore

7-Bajrang Bhaijaan: 90.77 Crore

8-Simmba: 89.33 Crore

9-Kabir Singh: 87.21 Crore

10-Golmaal Again: 87.08 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here