Superstar Ajay Devgn filimkiisa Tanhaji ayaa ganacsi heer sare ah gudaha Hindiya ka sameenayo waxaana horey idin kula wadaagnay in filimkan Talaadadiisa kowaad uu soo xareeyay 15.25 Crore (Trade Figure) wuxuuna shalay ka faa’iideestay feestooyin gobolada qaar gudaha Hindiya ka jareen sidoo kalena mudo lix maalmood ah wuxuu filimkan soo xareeyay 88.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday.

Haddaba Tanhaji wuxuu si rasmi ah u noqday Ajay Devgn filimkiisa maalin Talaado ah lacagaha ugu badan soo xareeyo sidoo kalena wuxuu noqday filimka 18-aad ee taariikh ahaan lacagaha ugu badan maalin Talaado ah soo xareeyo sida ay shabakada BOI soo daabacday.

Fadlan hoos kaga bogo taariikh ahaan 20-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen maalin Talaado ah sida aan kasoo xiganay Shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Bahubali 2 (Hindi) – 29.78 crore (Qiimaha tikit-ka oo sare loo qaaday)

2. Simmba – 27.93 crore (Fasax)

3. War – 27.13 crore (Fasax)

4. Kick – 26.82 crore (Fasax) 

5. Housefull 4 – 24.07 crore (Fasax qeybeed)

6. Dangal – 22.39 crore (Qiimaha tikit-ka oo sare loo qaaday)

7. Sanju – 21.62 crore (Qiimaha tikit-ka oo sare loo qaaday)

8. Tiger Zinda Hai- 21.60 crore  (Qiimaha tikit-ka oo sare loo qaaday)

9. Krrish 3 – 21.33 crore (Fasax qeybeed)

10. Bajrangi Bhaijaan – 20.78 crore  (Fasax qeybeed)

11. PK – 19.87 crore (Qiimaha tikit-ka oo sare loo qaaday)

12. Toilet Ek Prem Katha – 19.23 crore (Fasax)

13. Dhoom 3 – 18.75 crore ( Qiimaha tikit-ka oo sare loo qaaday )

14. Airlift – 17.63 crore (Fasax)

15. Kabir Singh – 16.34 crore 

16. Good Newzz – 15.56 (Qiimaha tikit-ka oo sare loo qaaday)

17. Dabangg 3 – 15.27 crore (Fasax)

18. Tanhaji – The Unsung Warrior – 15.25 Crore (Fasax qeybeed)

19. Ek Tha Tiger – 14.87 crore (Fasax qeybeed)

20. Dabangg 2 – 14.21 crore (Fasax)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here