Ajay Devgn Filimkiisa Tanhaji-The Unsung Warrior ayaa taariikh lama ilaawan ah ka abuuray Mumbai iyo suuqyada ku hareereysan isagoo cagta mariyay dhamaan iskooradii lacagaha halkaas u yiileen Filimada Bollywoodka.

Filimkaan ayaa Mumbai iyo suuqyada ku hareereysan ka keenay 117 Crore nadiif ah waliba iyadoo todobaadkiisa seddexaad hal maalin wali ka harsantahay waxuuna xili hore 13 Crore kudhaafay Filimada Dangal iyo PK oo iyaga Mumbai iskoorka lacagaha heysteen mudo dheer.

Guud ahaan 4-Filim ayaa Mumbai 100 Crore iyo kabadan ka keenen waxaana xusid mudan marka Tanhaji laga reebo seddexda kale in la daawaday fasaxa sanadka ugu weyn ee ciida masiixiga ah waxayna kala yihiin Dangal, PK iyo Tiger Zinda Hai waliba Mumbai iyo Pune fasaxa waa loo dheereyay xiligooda siweyn ayeena kaga faaideysteen balse Tanhaji xili fasax sida uweyn ma helin hadana 20 Maalmood ayuu 117 Crore kumarayaa isagoo Filimadan 13 Crore ka sare maray wa cajiib.

Wey adagtahay inla cabiro lacagaha Tanhaji cimri ahaan Mumbai ka keeni doono balse qiyaas ahaan inuu 140 Crore gaari doono ayaa la filaa dhanka kale Baahubali 2 ayaa suuqa Mumbai ka keenay 185 Crore cimri ahaan waana Filim aan Bollywood ahen.

Sido kale Baahubali 2 waxuu 40 Crore ka sareya Tanhaji marka laga hadlo Gujarat/Saurashtra taasi oo kadhigan in Tanhaji udhowyahay ganacsiga Baahubali 2 ka sameeyay Maharashtra todobaadkiisa sedeexaad markuu guda galaayey ayuuna bilaaway inuu Baahubali 2 ku garaaco Maharashtra meelo kamid ah waxaana hubaal noqon lahed hadii Tanhaji Gujarat uu ku xoognaan lahaa sida Maharashtra oo kale inju 175 Crore ka keeni lahaa Mumbau iyo hareeraheeda oodhan.

Halkaan hoose kaga bogo 20-ka Filim taariikh ahaan lacagaha ugu badan ka keenen Mumbai iyo suuqyada ku xeendaaban kumana jiro Baahubali 2 maadama uu Filim koonfur yahay kaliya Bollywood ayuu ugaar yahay liiskan:

1-Tanhaji-The Unsung Warrior: 117 Crore (mudo 20 maalmood)

2-Dangal: 104.26 Crore

3-PK: 104.21 Crore

4-Tiger Zinda Hai: 103.40 Crore

5-Sanju: 101.86 Crore

6-Bajrang Bhaijaan: 90.77 Crore

7-Simmba: 89.33 Crore

8-Kabir Singh: 87.21 Crore

9-Golmaal Again: 87.08 Crore

10-Sultan: 86.30 Crore

11-Uri-84.11 Crore

12- (3 Idiots): 79.19 Crore

13-(Housfule 4): 79.03 Crore

14-Padmaavat: 78.86 Crore

15- WAR- 77.42 Crore

16-(Dhoom 3): 76.42 Crore

17-Prem Ratha Dhan Payo: 70.79 Crore

18-Chennai Express: 68.48 Crore

19-Bajirao Mastani: 67.43 Crore

20-Kick: 66.02 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here