Filimka Tanhaji-The Unsung Warrior maba joogsanaayo waxuuna shalay oo jimcahiisa 6-aad ahed ka faaidestay fasaxyo yaryar oo jireen ganacsi adag ayuuna sameeyay waxuu keenay 50 Lakh lacago gaarayaan.

Wadarta guud hader waxuu marayaa 265.50 Crore (Trade Figure) ganacsigiisa todobaadka lixaad uu sameeyay waxuu safka hore kaga gali karaa Filimada todobaadkooda lixaad lacagaha ugu badan keenen dhowaanahan.

Hanaanka uu kusocdo waxay ka dhigantahay inuu ka wanaagsanyahay dhamaan Filimada 300 Crore gaareen marka laga reebo Baahubali 2 sababto ah 6-todobaad in Filim tiyaatar saaran yahay hadana ganacsi adag sii sameynaayo waa wax aan indhaha laga qarsan karin.

Cimri ahaan waxay u muuqataa inuu ku istaagi doono 270 Crore waxuuna noqon doonaa Filimka 11-aad lacagaha ugu badan abid keena fadlan hoos kaga bogo ganacsiga Tanhaji ee todobaadlaha:

Todobaadka 1-aad: 115.28 Crore

Todobaadka 2-aad: 77.87 Crore

Todobaadka 3-aad: 38.48 Crore

Todobaadka 4-aad: 19.31 Crore

Todobaadka 5-aad: 8.90 Crore

Todobaadka 6-aad: 5.10 Crore

Jimco 7-aad: 50 Lakh

Wadarta Guud: 265.44 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here