Filimka Tanhaji – The Unsung Warrior ayaa maanta oo axad aheyd ganacsi aad u wanaagsan misna Excellent ah sameeyay asigoona soo xareeyay lacago u dhaceeyaan 25 ilaa 26 crore (Qiyaas ahaan) taasoo ka dhigan in mudo 3 maalmood uu filimkaan soo xareeyo 60 crore.

Tanhaji ayaa sameeyay sare u kac wanaagsan maanta oo axad ah markii lala barbardhigo shalay oo sabti aheyd waliba maanta sare u kaciisa wuxuu gaaray 30% asigoona fasaxii maanta siweyn uga faa’ideystay.

Tanhaji ayaa ganacsi aad u wanaagsan ka sameeyay Mumbai iyo hareeraheeda sidoo kale wuxuu ganacsi wacan ka sameeyay CP Berar iyo Nizam/ Andhea

Tanhaji wuxuu Mumbai kasoo xareeyay 27 crore mudo 3 maalmood kaliya waana ganacsi aad iyo aad u wanaagsan sidoo kale Delhi/UP wuxuu ayadana kasoo xareeyay 9 crore qiyaas ahaan mudo 3 maalmood asigoona ganacsiga filimkaan si heer sare ku socdo.

Lacagahaan waa kuwa qiyaas ah lacagaha Rasmiga ee filimkaan bari ayay soo daabici doontaa Shabakada Box Office India markaas ayaana idinla wadaagi doonaa hadii Alle yiraahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here