Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa ka yaaban filimka Tanhaji- The Unsung Warrior sida waalida ah ee u gadmaayo madaama Isniintiisa labaad 8 Crore lacago ah uu soo xareeyay qiyaasta xili hore wuxuuna u dhaqmayaa filimkan sida aflaanta 300 Crore cimri ahaantooda gaareen oo kale weliba gobolka Maharashtra ee Mumbai xarun u tahay All Time Blockbuster ayuu ka noqday waxaana gobolkan kaliya kaga lacag badnaan doono Bahubali 2 oo kaliya.

Waxaa la yaab ah in Tanhaji kaliya 20% hoos u dhac uu sameeyay shalay oo Isniin ah marka lala bar bar dhigo ganacsigii uu sameeyay Jimcadiisii labaad wuxuuna haatan filimkan soo xareeyay 170 Crore qiyaasta xili hore waxaana hubaal ah ganacsiga ay sameeyeen aflaanta Mission Mangal, Good Newwz iyo Bharat sameeyeen in filimka Tanhaji sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaafi doono.

Waxaa muuqato in filimka Tanhaji todobaadkiisa labaad keeni doono 75 Crore waana ganacsi la mid ah midkii uu Kabir Singh sanadkii hore sameeyay iyo Sanju 2018 la imaaday sidaa darteed Tanhaji waxaa hubanti ah inuu Blockbuster weyn noqon doono sidoo kalena filimkii Uri – The Surgical lacagihii cimri ahaantiisa uu soo xareeyay 244 Crore sidaa darteed Ajay Devgn filimkiisa wuxuu heestaa fursad walbo oo uu 250 Crore cimri ahaantiisa ku gaari karo madaama filimkan si waali ah u gadmaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here