Filimka Tanhaji ayay maanta u tahay maalin taariikhi ah maadaama uu ganacsi weyn sameyn doono waliba asigoo tiyaatarada saaran axadiisii labaad.

Tanhaji saakay Very Good ayuu ku furmay asigoona ku furmay 55% halka duhurkii uuu sare u kac fiican sameeyay wuxuuna gaaray 74% waana Excellent Opening balse caawo fiidkii ayuu filimkaan si waali ah sare ugu kacay wuxuuna gaaray 83.48% taasoo hubaal ka dhigtay in filimkaan ganacsi weyn maanta sameyn doono waliba asigoo dhaafi doono lacagihii uu sabtidiisii koowaad keenay.

Tanhaji caawo galinkii dambe hoos ayuu u dhacay asigoona maraayo 58% waana arin la filaayay maadaama bari maalin shaqo tahay balse filimkaan taas uma dhutinaayo waayo duhurkii maanta ilaa caawo fiidkii ayuu si waali ah u gadmay.

Arintaan ayaa waxay ka dhigantahay in filimkaan maanta uu keeni doono qiyaas ahaan 21 crore waana ganacsi aad u weyn waliba wuxuu filimkaan safka hore kasoo gali doonaa filimada axadooda labaad lacagaha ugu badan soo xareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here