Tani matahay cadeyn kale oo muujineyso in Aishwarya Rai iyo Abhishek Bachchan kala tagi rabaan? Sawiro.

0
4394

Saxaafada war ma joojiso waxaana labadii sano ugu dambeysay ay tooshka kadaba qaateen jilaaga Abhishek Bachchan ayagoona markasta wax ka qoro noloshiisa khaaska gaar ahaan in ay kala tagi doonaan xaaskiisa quruxleyda Aishwarya Rai.

Waxaa dhawaan la arkay Aishwarya iyo gabadheeda yarta oo xili duhur ah kaligood ka qadeynayo mid kamid ah maqaayada Mumbai ku yaalo taasoona keentay in saxaafada su’aalo iska weydiiso arinka maadaama uusan Abhishek la soconin.

Saxaafada ayaa qortay in Aishwarya iyo Abhishek madmadow kujiro xiriirkooda laguna wado in dhawaan nolosha iksu firaaqeeyaan waxayn arintani u cuskadeen in hadii madmadow uusan jirin isla qadeyn lahaayeen oo aysan kaligood maqaayada soo aadi laheyn

Waxay aheyd horaantii bishaan markii Abhishek uu bartiisa Instagramka soo dhigay qoraal uu saxaafada ugu jeesjeesaayo kuwaasoo sheegay in asiga iyo Aishwarya is fureen wuxuuna Abhishek ugu soo jawaabay; “Ok maadaama hada la ifuray waxaad ii sheegtaan xiliga aan marlabaad guursanayo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here