Home » Nolosha Jilaayaasha » Tani Waa Aishwarya Rai Bachchan Iyo Aragtided kowaad Ee Filmka Fanne Khan (20 Jir Ayaad Mooda)

Tani Waa Aishwarya Rai Bachchan Iyo Aragtided kowaad Ee Filmka Fanne Khan (20 Jir Ayaad Mooda)

Atirishada Aishwarya Rai Bachchan waa mid kamid ah hablaha dunida ugu qurux badan, xidigtan hadee 40 wax ku darsatay xitaa quruxdeda wali isma bedelin oo waa xidig soo jidasho leh.

Waxaa sanadkii hore bishii Nov lasoo bandhigay sawirka sare kuxusan kaaso ah Aish xili ay duubeysa Filmka Fanne Khan waxaana saxaafada xiligaas sawirkaan usoo bandhigtay maadama ay duubis kujirtay uun balse hadeer kooxda filmkana aya sawirkaan soo bandhigen ayagoo ku qeexen inuu yahay aragtida kowaad ee Aish filmkana ama muuqaal ahaan sida ay u ekaaneyso filmkaan waa sidaan.

Filmka Fanne Khan waxaa doorar muhiim ah kuleh Anil Kapoor iyo Rajkumar Rao waana mashruuc xiiso leh oo ay Aish kusoo laabaneyso waxaana la daawan doona 15 June ee sanadkan 2018.

Kanina waa sawir kale oo laga qabtay xidigtaan xili ay duubista ku jirtay balse kooxda filmka ma soo bandhigin sawirkaan ee saxaafada ayaa soo bandhigay sawirka ay dharka cadaanka ah sidato.