sida aan la socono bollywoodka waxa hogaaminaya sadexda khans ee kala ah salman khan shah rukh khan iyo amir khan inkastoo ay tartanka la galeyn boqolaal aktaro
laakiin sadexdan ayaa bollywoodka hogaaminyeen 30 sano ee ugu dambeeyay laakiin sadexdan waxa ay aflaamtooda ku sameeyaan kaliya hal waji ama hal door oo isku mid ah ah
laakiin super star Akshay kumar waa 51 sano jir sidoo kalena waa aktar sameyn kara doorar badan oo kala duwan kaaso lagu aamini karo inuu guul gaar-siin karo hadad ula imaado sheeko walba sababtoo ah waa aktar u sameysan inuu sameeyo door walba oo loo soo bandhigo sida
Action

maadaama uu suunka madow ka haysto ciyaartaas akshay kumar filim action u gaar ah waxaa ugaar ah waxaa ugu dambaysay filimka Khiladi 786 laakiin haddii taageerayaasha aktar ay mar kale arkaan isagoo sameenaya doorka actionka waa kuwa aad ugu farxayaan
ma jiro qof su’aal ka keeni kara inuu Akshay kumar sameyn karo doorka actionka maadaama magaca u Khiladi loogu bixiyay aflaamta action weliba looguma gaaro dhinaca lagdanka
comedy

director priyadarshan waa directorka looga haray sameynta aflaamta shactirada isagana dooqiisa kowaad waxa uu ahaa akshay kumar kaas hogaamiye kaga dhigi jiray aflaamtiisa ka dib filimka Hera Phera
iyadoo dadkaay ogaadayn in Akshay kumar uu yahay aktar sameyn kara aflaamta shactirada aflaamta shactirada ee Akshay kumar lagu xasuusto waxaa ka mid ah Garam masala ,Bagham bagh , Welcome, Aingh is king taxanaha Housefull iyo aflaamo kale oo badan
fariimaha waaqiciga (drama)

Akshay kumar waxa uu kasbaday qalbiyada dadka maadaama aflaamtiisa doorarka waaqiciga ah ay yihiin kuwa si weyn loo soo dhaweeyay waxa ayna midaas ku tusaysa
Akshay kumar inuu yahay aktar dhan Weliba ka dhamaystiran sababtoo aflaamtiisa waxa uu mid walba sitaa door gaar ah oo kala duwan haddane waxa ay gaarayaan guulo akshay kumar aflaamtiisa fariimaha waaqiciga ah waxaa ka mid ah padman Toilet: Ek Prem Katha