Atiriishada caanka ah Tanushree Dutta ayaa afka furatay baaq weyna u dirtay guud ahaan dadka ka shaqeyaan fanka hindiya iyadoo ugu baaqday inee shaqada ka raacdeyaan Dance yaqaanka caanka ah Ganesh Acharya.

Sidaan horey idiin kula wadaagnayba Dance-yaqaankan waxaa dacwad kasoo gudbisay gabadha lagu magacaaba Divya Kotian ee isaga caawiyaha u ahaan jirtay misane howlo badan la waday waxayna ku dacweysay inuu ku qasbay daawashada aflaamta anshax-xumada ah misane qaawanaanta ah isagoo ugu hanjabay inuu shaqada caawinta ah ka eryi doono hadii aysan la daawanin Filimadan anshax-xumada ah.

Hadaba Tanushree ayaa sheekadan ka warheshay waxayna baaq guud u dirtay Bollywoodka iyadoo sheegtay in ninkaan wax shaqo ah aan laga siinin guud ahaan fanka oodhan waxayna tiri iyadoo haldeysa,”Bollywoodka waa inee ninkaan iska raacdeyaan uma qalmo halkaan.”

“Bollywoodka iyo shirkadaha kale ee Filimada gudaha India ka sameyaanba waa inee shaqo aysan u ogaalanin Ganesh waa saqajan anshax xun kuna amar taagleya dumarka waxuu ka faaideysta dhibka heysto dumarka fanka ka shaqeyaan miduu u arko inee isaga hoos joogtana wuuba ku taagsada hade wuxuu rabo usameeyn weydana wuu ka erya shaqada.”

“Aniga dhib walba oo igu dhacay intii aan duubayey heeskii Horn Ok Pleass (2008) Ganesh qeyb ayuu ka ahaa Raggii anshax xumada igula kaceen waliba dhacdadaas kadib waxuu iskudayaayey inuu sharafkeyga iyo magaceyda dhulka la galo.”

Bollywood should boycott Ganesh Acharya, says Tanushree Dutta

“Hadana saas etahay waxaan arki jiray atoorayaal iyo atiriishooyin badan oo isaga la shaqeynayaan taasi kaso gudba hader dhacdadan wax indhaha laga qarsan karo ma ahan atoorihii ama atiriishada, ama qarash gareeyihii amaba Director-kii Ganesh maanta kadib la shaqeya waxaan u aqoonsanena inuu sidiisa oo kale yahay.”

“Waxaan guud ahaan dadka fanka hindiya ka shaqeya ugu baaqaya inee ka fogaadaan Ganesh Acharya iyo wixii lamid ah oo aysan la shaqeynin si sharafkiina u dhaawacmin waxaan filaa in ninkaan cadaalada la horkeeni doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here