Sidaan horey idiin kula wadaagnayba Superstar of Bollywood iyo jilaaga Mr.Prefectionist loogu yeero Aamir Khan ayaa muran dhexda ka galay kadib markuu ku dhawaaqay inuu la shaqeyn doono Filimsameye Subhash Kapoor oo isaga sanadkii hore dumar kala duwan kufsi iyo anshax-xumo kusoo eedeyeen.

Aamir isla sanadkaas ayuu go’aansaday inuusan la shaqeyn doonin filimsameyahan maadama markiii hore ay ka howl gali lahaayen filimka Mogul balse hada waxuu ku dhawaaqay inuu filimkaas sameeyn doono isla Director-kaasna la shaqeyn doono.

Sababtana waxuu ku sheegay in Director-ka Isnaan khalad kadhacay uu yahay hadii khalad kadhacay taasi micnaheeda ma ahan ayuu yiri Aamir in ninka nolol maalmeedkiisa laga xanibo habeeno badan ayuu sheegay inuu Aamir arinkaan ka fikiray.

Waxuuna go’aan ku gaaray inuu la shaqeyo balse atiriishooyinkii filimsameyahan daba joogeen ayaa hada Aamir ku kaceen markii hore Geetika Tyagan ayee ahed oo Aamir 2-wajiile ku tilmaamtay markaana waa Tanushree Dutta oo kahor timid go’aanka Aamir.

Tanushree Dutta waaba atiriishadii ugu horeysay 2018 Director-kaan anshax-xumo kusoo eedeysay iyadoo kahor imaaneysa fikir Aamir waxay tiri,”Aamir qaac isku qaris oo kale ayuu u hadlay waana go’aan qaldan go’aankaas.”

“Marnaba mar-marsiiyo ma noqon karto nin ayaa nolol maalmeedkiisa laga hor istaagayaa arinkaasna wax qof weyn ku hadlo ma ahan ninka aad difaaceyso dhibka uu geestay kama damqanin miyaa marka aad ka damqaneysid quudkiisa iyo shaqadiisa aaway dumarkii uu tacaddiga ugeestay iyo gobood falka halkee ku ilaawday go’aan khaldan ayaad qaadatay Aamir kasoo noqo arrinkaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here