Atiriishada Tanushree Dutta ayaa Nana Patekar ku tilmaamtay inuu yahay Aasaram Bapu oo kale waana nin 2018 kufsaday gabar yar xidigtaan ayaana sheegtay inuu Nana dumarka ugu xad gudbo sida ninkaas oo kale.

Kiiska Nana Patekar iyo Tanushree Dutta waa mid wali socda waxayna xidigtaan wali wadaa dacwada ah inuh Nana ku xadgudbay sanadkiu 2008 sharcigana ilaa hada uu wax ka qaban la’yahay.

Kiiskan ayaa 2018 si weyn loo hadal hayey balse Tanushree ayaa in mudo ah iska gaabsatay maadama Nana awoodiisa iyo lacagtiisa isticmaalay kiiskana dhinac iska mariyay hadaba Dutta ayaa sanad kadib soo rogaal celisay waxayna rabtaa hader in kiiska bartiisa kasii socdo.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”marnaba kama niyad jabaayo awooda uu isku difaaco Nana xili walba waa nin aan naxariis laheen dumar badana ku xad gudbay waxuu lamid yahay Aasaram Bapu oo gabdhaha yaryar xitaa kufsada mar uun cadaalad waan heli doonaa 12 sano kahor wuxuu igu sameeyay aawgii.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here