Mudooyinkii u dambeyeen waxaa la isku xantaa atiriishada Tara Sutaria iyo wiilka lagu magacaabo Aadar Jain oo ay qaraabo yihiin Ranbir Kapoor iyo Kareena Kapoor sidaa aawged Tara Sutaria ayaa dooneysa inee nolosha la wadaagto wiil ay qaraabo yihiin Ranbir iyo Kareena oo qoyskaas ayeeba dhexgali doontaa.

In xiriirkooda la buun buuniyo iyaga ayaa usabab ah maadama inta badan la isku arko ayagoo isla socdaan sida muqaayad oo ay isku raacaan ama tiyaataraka marar badan ayaa la isku arkay mar wax laga weydiyay Tara waxay tiri.

“Midkeenba midka kale wuu ku faraxsan yahay xiriirka inaga dhaxeya iyo waqtiga aan qaadano aniga wiilkaan Diwali-gii lasoo dhaafay ayaan isbaranah kadib saaxiibo qaas ah ayaa noqonay waana ku faraxsanahay inaan xili walba waqti qaadano.”

Did Tara Sutaria and Aadar Jain just CONFIRM their relationship on Instagram? — view pic

Hadase waxay u muuqataa lamaanahan dadka u shaaciyeen xiriirkooda oo Instagram-ka ayaa hadalo kalgaceyl ah la isku dhaafsanayaa Aadar ayaa muuqaal bandhig faneed Mumbai kadhacay kusoo Sharr gareeyay bartiisa Instagram-ka waxuuna soo raaciyay qoraalkan.

“Markaa ila joogto (oo uu tusaale muuqaalka ugu soo qaadanaayo yacni sidan ayaan u damaashadnaa marka ila jirto ayuu leeyahay) kadibna iyada ayuu Mention dhahay iyadoo u jawaabeysa waxay tiri,”marwalba waan kula jiri doonaa wana jeclahay midaas.”

Waa hadal jaceyl oo ay dadka ogeysiinayaan inuu xiriir ka dhaxeeyo sarbeebtas ayeena saxaafada baraha bulshada iyo meel walba ku wareejinayaan iyo dadyowga kaleba oo arinkaan hadal hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here