Tara Sutaria si tartiib tartiib ayee u saldhigan rabtaa Bollywoodka markaan waxayna heleysaa oo soo gaarayaan dalabaadyo kala duwan oo Filimsameyaal badan ayaa soo dalbanayaan si ay aflaamtooda atiriisho kaga dhigaan.

Tara waxay kusoo caan baxday Filimka Student of The Year 2 oo ay shaashada jaceyl kula wadaagtay Action Hero Tiger Shroff halka Ananya Panday atiriisho kale ka aheed mashruucaas waxaase aad looga helay bandhigay Tara shaashada ku muujisay waa lasoo dhaweeyay.

Xidigtaan ayaa baraha bulshada lagu jafay kadib markii Fashion khaldan iyo labis aan soo jiidasho leheen ku timid goib xaflad ah sideeda banaana dadka caanka ah hadii khalad yar ka dhaco baraha bulshada ayaa lagu camirtaa xidigtaana sidii ayaa la yeelay.

Saxaafada ayaa wax ka weydiyeen sida loogu camirtay iyo Troll-ka lagu sameeyay kuna aadan labiskeeda qaabka darnaa waxayna tiri,”qof dhameestiran dunidan ma joogo bini’aadankana qalad waa ka dhacaa waana sugaayey in la igu camirto ama khaladkeyga la sheeg sheego ileen marwalba ma saxnaan karo.”

“Inkastoo dadka qaar hadaladooda aan dhibsaday hadana mida iigi daran waxay ahed qoraalada dadkaas qaar kamid ah inee akhristeen waalidkey bartaasna qosol ka bilaaweyn” Tara ayaa saxaafada ka qosolsiisay markee sheegtay Comment-yada labiskeeda laga bixiya qaarkood inee waalidked akhristeen kuna qosleen sids loo foodeyay gabadhooda kkkk.

Dhanka shaqada waxaa masraxa u saaran Filimka Marjaavan oo ay ku jileyso gabar Music-sa jecel balse aan hadli karin waxayna jeclaane nin Maafiyada la shaqeesta (Sidharth Malhotra) waxaa kaloo Filimka kujiraan Riteish Deshmukh, Rakul Preet Singh iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here