Atirishada dhalinta yara Tara Sutaria sanadkan ayay Bollywood-ka kusoo biirtay waxayna kusoo caan baxday filimkii Student Of The Year 2 oo ay la sameesay Tiger Shroff iyo Ananya Panday haatana waxaa u diyaarsan filimka Marjaavan oo ay Sidharh Malhotra la sameeneyso sidoo kalena waxay duubis ku wadaa filimka Tadap ee Ahan Shetty lagu caan bixinaayo.

Haddaba Tara Sutaria waxaa la sheegay inay aad isku fahmeen Sidharth Malhotra inta duubista filimkooda Marjaavan socotay kaasi oo Jimcadan tiyaatarada la saarayo waxaana la sheegay inay daris yihiin oo ay xitaa gal gaari wada raaci jireen loona qaatay in xiriirkooda hoose ugu dambeyntii banaanka soo dhigi doonaan/

Balse Tara Sutaria waxay qalbi jabtay markii ay ogaatay Sidharth inuu xiriirka u gaabiyay kadibna uu bilaabay atirishada Kiara Advani dhankeeda inuu u bato asigoo xitaa Tara xiriirkii iska warqabka ahaa xitaa u jaray waxaana la sheegay in arinkaas Kiara Advani ka dambeyso oo Sidharth ku amartay inuusan gabbar kale xiriir caadi ah ama mid jaceyl la wadaagi karin haddii uu rabo inuu iyada hantiyo.

Sidharth Malhotra horey waxay u kala hareen Alia Bhatt oo ka raacday Ranbir Kapoor kadib qalbi dagsi wuxuu u bartay Tara Sutaria oo fanka ku cusub haatana Tara wuu ka dalacay wuu ka raacay Kiara Advani oo waqti walbo la qaadanayo siweyna u xiiseenayo waxayna isla soo wadaan filim cusub oo lagu magacaabo Shershaah oo dabyaaqada sanadka dambe la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here