Taxanaha Cukur season3 oo lagu dhawaaqay xili si rasmi ah usoo gali doonto xalqadiisa 1aad iyo goosgooskii koobnaa ee laga soo bandhigay oo iskooro jabiyay.

0
513

Taxanaha Cukur oo uu hogaamiye kayahay jilaaga dhalinta yar ee Aras Bulut Iynemli sidoo iska leedahay shirkada AY Yapim lagana soo daayo kanaalka Shaw TV ayaa maalintii shalay aheyd laga soo bandhigay goosgoos gaaban misna hordhac u ahaa xalqada 68aad ee taxanahaan oo seasonkiisii 3aad u bilaabmi doono.

Iyadoo 2dii season ee hore guulo waaweyn gaareen ayay shirkada AY Yapim halkeeda kasii wadatay soo saarista taxanahaan waxayna ku dhawaaqeen in 16da bishaan oo ku began isniinta soo socoto sidii caadada aheyd dib loo bilaabi doono adigoona ka daawan kartid kanaalka Turkiga ee Shaw TV.

Arinta yaabka leh ayaa waxay tahay in taxanahaan goosgooskii yaraa ee shalay laga soo bandhigay wax kayar 24 saacadood uu ku gaaray 2 Millions views dhanka Youtubeka, asigoona sidoo kale Instagramka ay ka daawadeen 1 Million kabadan waxaana akoonka Aras Bulut sidoo kale ka daawatay nus million ruux.

Arintaan ayaa waxay cadeyn u tahay sida jamaahiirta u sugi la’yihiin taxanahaan inuu bilowdo seasonkiisii sadaxaad xili labadii season ee ka horeysay guulo waaweyn gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here