Taxanaha Her Yerde Sen waa taxane xagaagan la bilaabay isla markaasna haatan marayo xalqadiisii 20aad waana taxane xiiso leh balse nasiib xumo waxaa lagu dhawaaqay in gabi ahaantiisaba la joojin doono.

Taxanahaan ayaa waxaa hogaamiye ka ah Furkan Andic iyo Aybuke Pusat wuxuuna kasoo gali jiray kanaalka Fox balse daawadayaasha dhanka TVga oo yaraadeen owgiis gabi ahaantiisaba waa la iska joojin doonaa.

Sharciyada taxanayaasha kusii jiraan waxaa kamid ah in TVyada sifiican uga gadmaan isla markaasna lacago fiican laga helo daawadashadiisa hadii ay taasi dhici weysana in gabi ahaantiisaba la joojiyo maadaama daawadayaasha aysan ka helin.

Hadaba taxanaha Her Yerde Sen ayaa lagu dhawaaqay in xalqada 23aad ay tahay xalqada ugu dambeyso taxanahaan maadaama dadka ku xiran kanaalka FOX ee taxanahaan daawadaan aad u yaraadeen sidaas owgeed booskiisa taxane kale ayaa gali doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here