Taxanaha Kuzgun oo lagu wado in la joojiyo iyo sababta ka dambeyso.

0
1056

Taxanaha Kozgun wuxuu kamid yahay taxanayaasha bilowgii sanadkaan TVga laga siidaayay iyadoona Season 1 uu ka koobnaa 15 xaqlo waxaana labo isbuuc kahor dib u bilowday taxanahaan.

Kozgun oo micnihiisa yahay TUKE ayaa waxaa hogaamiye ka ah jilaaga aadka loo jecelyahay sidoo kalana shacbiyada balaaran ku helay taxanaha Kiralik Ask ee Baris Orduc hase yeeshee taxanahaan sidii kii hore uma guuleysan.

warar lagu kalsoonyahay ayaa haatan sheegayo in Kuzgun gabi ahaantiisaba lagu joojin doono xalqada 21aad kadib markii hoos u dhacay daawadayaasha taxanaha waana arin keeni karto in la joojiyo.

taxanahaan waxaa laga sii daayaa kanaalka Star TV waxaana xalqadii ugu dambeysay ee shalay daawashada cabirkeeda ahaa 2 Rtg waana darajo aad u hooseyso isla markaasna muujineyso in daawadayaashiisa aad u yaryihiin waana sababta keentay in xalqada 21aad lagu joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here