Engine Ekyurek iyo Neslihan Atagul ayaa soo dhaweyn wanaagsan heleen kadib markii xalqadii 1aad ee taxanaha Sefirin Kizi xalay si heer sare ku furmatay waliba ratingeeda wuxuu ahaa 5.93 waxaana Live TVga u daawatay in ku dhow 5Million oo ruux.

Xisaabta ku darso taxanaha malahan Season hore waa xalqadiisii koowaad mana lala barbar dhigi karo taxanaha Kurulus Osman kaasoo ku furmay Ratingsiisa 15Rtg waana seasonkii 6aad ee taxanaha Dirilis Ertugrul kaasoo miisaaniyad weyn xambaarsan.

Qaabka uu ku furmay taxanahaan ayaa rajo wanaagsan laga muujiyay waxaana macquul ah in xalqooyinkiisa xiga sare u kac fiican sameeyaan hadaba akhristow hadii aad daawatay xalqadii 1aad ee xalay siduu kula ahaa taxanahaan sheeko ahaan iyo isku xir ahaanba?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here