Taxanaha Spanishka ee Money Heist oo la shaaciyay in asigoo Kuuriyaan ah la jili doono!

0
462

Taxanaha Spanishka ee Money Heist kaasoo ay iska leedahay shirkada Netflix sidoo kalana guul caalami ah gaaray ayaa haatan lagu dhawaaqay in asigoo Kuuriyaan ah la jili doono.

Money heist oo ilaa haatan 4 Season la daawaday xili Season 5 oo ah kii ugu dambeeyay la daawan doono bartamaha sanadka dambe ayaa haatan loo weeciyay dhankaas iyo Aasiya asigoona luuqada Kuuriyaanka lagu jili doono.

Qeybta kuuriyaanka waxaa Directed ka noqon doono soo saaraha caanka ah ee reer Kuuriya Kim Hong-sun kaasoo horay u sameeyay taxanayaasha guuleystay ee jala ah The Guest, Voice, iyo Black, waxaana qarashgareeye ka noqon doono Alex Pina oo ah isla qarashgareeyaha taxanahaan qeybtiisa Spanishka.

Sida xogta aan ku heleyno Money Heist qeybta kuuriyaanka ayaa duubis lagu bilaabi doonaa markuu dhamaado Season 5 oo haatan duubis ku socoto, ayadoona qeybta Kuuriyaan xoogaa isbadal yar lagu sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here