Taxanaha ugu weyn taxanayaasha Turkiga oo caawo bilaaban doono iyo wax walba oo aad uga baahantahay taxanahaas.

0
821

Caawo abaaraha 9;00pm waxaa kanaalka aTV laga soo deyn doonaa taxanaha Kurulus Osman kaasoo ah taxanaha Dirilis Ertugrul Seasonkiisii lixaad.

Hadaba halkaan kaga bogo wax walba oo aad uga baahantahay inaad ka ogaatid taxanahaan.

-Taxanaha Kurulus Osman micnihiisu wuxuu yahay Aasaasihii Cusmaaniyiinta.

-Taxanaha waxaa looga hadlayaa noloshii aasaasihii khilaafadii islaamiga aheyd ee Cuthaamiyiinta Cusman bin Ardegrul taasoo mudo kabada 500 sano aduun weynaha ugu xooganeyd sababna u aheyd in wadamo badan oo yurub katirsan islaamka gaaro.

-Taxanaha wuxuu soo gali doonaa habeen walba oo Khamiis soo galeyso maalin arbaco maanta oo kale.

-Taxanahaan ayaa wuxuu kasoo gali doonaa kanaalka aTV waana isla kanaalka soo daayo taxanayaasha ay kamid yihiin Kimse Bilmez iyo Hercai.

-Taxanaha waxaa hogaamiye ka ah jilaaga weyn ee Burak Ozcivit asigoona taxanahaan mushaar khiyaali ku qaadan doono kaasoona lagu sheegay 350,000 oo liiro halkii xalqo wuxuuna u dhigmaa 57 kun oo dolar isbuucii.

-Taxanaha waxaad sidoo kale kala socon kartaa Youtubeka ama shabakada 3sk.tv taasoo dhamaan taxanayaasha turkida kusoo turjunto luuqada carabiga.

-Shabakada Filimside dhacdooyinka taxanahaan toos ayay idiin kuugu soo gudbin doontaa si lamid ah sidey Herai idiin kuugu soo gudbiso hadii alle yiraahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here