Sida ay qorayaan warbixino ka imaanayo wadanka Turkey soo saarayaasha taxanayaasha Turkiga kuwaasoo laga sii daayo TVyada wadankaasi sidoo kalana daafaha caalamka siweyn looga daawado ayaa maanta ka shiri doono sidii loo hakin lahaa gabi ahaanba taxanayaasha Turkiga mudo labo todobaad kadib markii Turkiga uu gaaray caabuqa Corona Virus.

Soo saarayaasha TVyada laga daawado taxanayaasha sida Fox TV, Kanal D, Shaw TV, Star TV, TV 8 iyo ATV ayaa maanta kulmi doonaan iyagoona kawada hadli doono suurto galnimada lagu hakinaayo taxanayaasha ka baxo kanaaladaan mudo 2 todobaad ah si looga hortago faafitaanka cudurka halista ah ee Corona Virus kaasoo waayadaan si xowli ah ugu fidaayay caalamka oo dhan.

Iyadoo laga jawaab celinaayo talooyinka wasaarada caafimaadka dalkaas ayaa lagu wadaa in la hakiyo duubista taxanayaashaan oo todobaadle ah mudo 2 todobaad intii xal looga helaayo xaalada taagan.

Taxanayaasha la hakin doono waxaa kamid ah kuwa siweyn looga xiiseeyo gudaha Somalia sida Hercai, Sefirin Kizi iyo Kurulus Osman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here