Waxaa lagu dhawaaqay taxanaha cusub ee Hollywoodka misna lagu magacaabo Servant kaasoo isbuucaan laga soo deyn dooono kanaalka Apple.

Taxanahaan ayaa waxaa Directed ka ah Directedka weyn ee M. Night Shyamalan kaasoo horay u sameeyay filimada Signs, The Six Sense iwm.

Taxanahaan ayaa wuxuu ka hadli doonaa kuna saabsanyahay nolosha lamaane farxad ku noolaa balse halmar uu dhimanaayo wiilkooda yar kaasoo xiligii naas nuugida ku jiray mana la yaqaano sababta uu u dhimanaayo.

Lamanaahaan ayaa waxaa soo wajihi doono murugo iyo mashaakil joogto ah kaasoo salka ku haayo sababtii ay u waayeen cunugooda yar waxaana lamaanahaan gurigooda soo gali doonto awood qarsoon misna la fahmi Karin.

Taxanahaan oo bishaan November bilaaban doono ayaa ka koobnaan doono seasonkiisa 1aad 11 xalqo taasoo midiiba 30 daqiiqo socon doonto waxaana sidoo kale xusid mudan in taxanahaan durba lagu dhawaaqay inuu Season 2 leeyahay asigoon waliba wali season 1 TVyada la saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here