Taxane Turkish ah oo ka hadlaayo noloshii Sheekh Cabdul-Qaadir Jeylaani aasaasihii dariiqada Qaadiriyada.

0
367

Waxaa lagu dhawaaqay in bisha December ee nagu soo fool leh la bilaabi doono duubista taxane Turkish ah kaasoo la magac baxay Hay Sultan waxaana looga hadli doonaa nolosha Sheekh Cabqudaadir Jeylaani.

Sheekh Cabdulqaadir (AUN) oo ahaa aasaasihii dariiqada Qaadiriyada ayaa lagu wadaa in taxanaha looga hadlo wuxuuna ka koobnaan doonaa 30 xalqadood.

Waa 30 xalqo oo dhameystiran ayadoo xalqo kastana ka koobnaan doonto 60 daqiiqo ama 1 saac wuxuuna toos uga bixi doonaa kanaalka Turkiga ee TRt.

Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay in taxanaha todobaad walba lasoo deyn doono 2 xalqo, Turki waxaa caado u aheyd in todobaad walba 1 xalqo oo 2 saac ah kasoo daayaan taxanayaasha balse taxanahaan todobaad walba 2 xalqo oo 1 saac ah ayaa lasoo deyn doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here