Maalmo ka hor atooraha lagu magacaabo Imran Khan ee uu abti u yahay Superstar Aamir Khan ayaa shaaca ka qaaday gabi ahaanba inuu filim jilista joojiyay oo hadda kadib diirada saari doono sidii uu ku noqon lahaa filim sameeye ama agaasime madaama nasiibkiisa dhanka filim jilista socon waayay guul darooyinkiisana bateen sidoo kalena 5-sano ugu dambeesay wiilkan wuxuu yahay shirkad filim u dhiibato.

Haddaba shabakada Boxoffice India (BOI) keedkeeda waxaan kasoo xiganay Imran Khan oo sanadii 2008 Bollywood-ka kusoo biiray iyo 12-ka filim uu sameeyay hogaamiye ka ahaa mid walbo natiijada uu la kulmay markii tiyaatarada la saaray:

1. Jaane Tu… Ya Jaane Na (2008) – wuxuu keenay 55.62 Crore waa Super Hit

2. Kidnap (2008) wuxuu keenay 20.49 Crore waa Flop

3. Luck (2009) wuxuu keenay 21.03 Crore waa Flop

4. I Hate Luv Storys (2010) wuxuu keenay 43.46 Crore waa Hit

5. Break Ke Baad (2010) wuxuu keenay 16.86 Crore waa Flop

6. Delhi Belly (2011) wuxuu keenay 54.83 Crore waa Hit

7. Mere Brother Ki Dulhan (2011) wuxuu keenay 57.40 Crore waa Hit

8. Ek Main Aur Ek Tu (2012) wuxuu keenay 40.10 Crore waa Average

9. Matru Ki Bijlee Ka Mandola (2013) wuxuu keenay 38.89 Crore waa Flop

10. Once Upon A Time In Mumbaai Dobaara! (2013) wuxuu keenay 58.49 Crore waa Flop

11. Gori Tere Pyaar Mein (2013) wuxuu keenay 14.01 Crore waa Flop

12. Katti Batti (2015) wuxuu keenay 23.75 Crore waa Flop.

Sida xogta sare ka muuqato Imran Khan waxaa HIT dhameestiran u noqdeen 4-filim taasi oo ka dhigan in 33.33% filimadiisa HIT noqdeen.

Sidoo kale waxaa u guuleesteen Imran Khan 5-filim taasi oo ka dhigan in 41.66% filimadiisa guuleesteen. Balse nasiib daro wiilkan waxaa ka duul dareesteen 7-filim taasi oo ka dhigan in 58.33% filimadiisa guul dareesteen weliba 4-filim ugu dambeeyeen FLOP ayay noqdeen sidoo kalena wiilkan 5-sano ka hor ayaa ugu dambeesay inuu filim sameeyo sidaas ayuuna saaxada kaga dhacay, hadda kadibna dhanka agaasinka filimada ama Director-nimo ayuu diirada saari doonaa waana 37-jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here