Home » Box Office » Taxliil ku saabsan Varun Dhawan awoodiisa Boxoffice-ka 2012 – 2017

Taxliil ku saabsan Varun Dhawan awoodiisa Boxoffice-ka 2012 – 2017

Varun Dhawan waa fariidka Bollywood-ka dhawaana wuxuu u dalaci doonaa darajada Superstar hadii uu sii wado guushisia 100% ah iyo aflaantiisa sida awooda ah ku furmayaan una gadmayaan.

Kadib markii Judawaa 2 uu Super Hit noqday sidoo kalena ahaa filimkii ugu dambeeyay Varun Dhawan sameeyay waxaan Update ku sameenay awoodiisa Boxoffice-ka aflaanta uu sameeyay laga soo bilaabo 2012 ilaa 2017 mid walbo natiijada uu gaaray:

Rank Film Release Date Nett Gross Verdict
1 Student Of The Year 19-Oct-12 62,94,00,000 Semi Hit
2 Main Tera Hero 4-Apr-14 53,17,50,000 Semi Hit
3 Humpty Sharma Ki Dulhania 11-Jul-14 72,80,50,000 Hit
4 Badlapur 20-Feb-15 49,62,00,000 Hit
5 ABCD 2 19-Jun-15 1,03,58,50,000 Super Hit
6 Dilwale 18-Dec-15 1,39,97,50,000 Semi Hit
7 Dishoom 29-Jul-16 68,10,50,000 Average
8 Badrinath Ki Dulhania 10-Mar-17 1,14,11,50,000 Super Hit
9 Judwaa 2 29-Sep-17 1,32,35,50,000 Super Hit

Varun Dhawan wuxuu sameeyay 9-filim mudada 5-sano ah ee uu Bollywood-ka ka tirsan taasi oo ka dhigan cel celis ahaan sanadkii inuu sameeyo 1.8 filim ama 2-filim ku dhawaad.

Kala Saarida Filimada Varun Dhawan Sameeyay:

All Time Blockbuster – 0

Blockbuster – 0

Super Hit – 3

Hit – 2

Semi Hit – 3

Average – 1

Below Average – 0

Flop – 0

Disaster – 0

Varun Dhawan 9-filim uu sameeyay dhamaantooda wey wada guuleesteen taasi oo ka dhigan xidigaan in guushiisa 100% tahay.

Varun Dhawan Hit dhameestiran waxaa u noqdeen 5-filim taasi oo ka dhigan in 55.55% filimadiisa Hit noqdeen xidigaan dhalinta yar.

Varun Dhawan wax filim ah kama guul dareesanin taasi oo ka dhigan in 0% guul daradiisa tahay ama wax guul daro ah weli ma uusan la kulmin.

Hoos Kaga Bogo Atoorayaasha Aan Taxliilkooda Hori Ugu Hadalnay

Taxliil Ku Saabsan Govinda

Taxliil Ku Saabsan Ajay Devgn

Taxliil Ku Saabsan Akshay Kumar

Taxliil Ku Saabsan Sidharth Malhotra

Taxliil Ku Saabsan Amitabh Bachchan