Waxaa xalay lasoo bandhigay xalqadii 23aad ee taxanaha Hercai balse ma aysan aheyn mid xiiso leh gabi ahaanteedaba dhacdooyinka lagu soo bandhigay kuwa aad u liito ayay ahaayeen.

Hadaba halkaan kaga bogo sababta ay xalqadii xalay uga liidatay kuwii kahoreeyay.

-ugu horeyn horta xalqada aad ayay u dheereyd waana arin aan loo baahneyn waxayna soconeyaa 2 saacadoo iyo 40 daqiiqo taasoo daawadaha ku qasbayso inuu caajis xalqada ku dareemo waxayna aheyd in 2 saacadood aysan kabadinin.

-Xalqada wax dhacdo oo cusub misna lagu soo bandhigay ma jiraan markii laga reebo in Yaariin sirteedii la ogaaday iyo in Gonul u sheegtay Furaat in walaalkeeda noolyahay si lamid ah in Caziiza ogaatay warqada la sheegaayo iyo in Miran ogaaday sida Suldanah loo silciyay waana arimo dhamaantood aanan muhiim aheyn.

-Xalqada waxaa aad loogu badiyay muuqaalada qiirada xad-dhaafka leh kuwaasoo taxanaha nuxurka ka qaadi karo tusaale; Iiliif iyo sida ay noqoneyso ayado waliba qarineyso in Hazar iyada dhibka u geysatay mana ahan wax laga walwalo misna la qariyo kaliya in Reyyan u sheegto ayaa ku filneyd balse waa laga badbadiyay.

Qiirada markii Yaariin la fadeexeeyo waliba mida iyada iyo aabaheeda dhexmareyso oo 10 daqiiqo kabadan soconeyso waana arin waqti dhumis ah.

Kulamada joogtada misna nuxurka laheyn ee Miran iyo Reyyan iyadoo Reyyan markasta kusoo celcelineyso waa noo dhamaatay wax anaga la yiraahdo hada kadib majiraan halka Miran uu Reyyan ku qancinaayo in jaceylkooda sidaas ku burburi Karin waana muuqaalo aan horay uga soo daalnay.

Zahra iyo sida ay ula tacaaleyso warqada Asmaa u dhiibtay iyo iyadoo aanan gabi ahaanba u sheegeynin Hazar xitaa hadey ogaatay in Miran wiilkiisa yahay waxayna u muuqataa in Zahra arinkaan mudo qarin doonto.

Isku soo wada duuboo xalqada ma aheyn mid xamaasad wadato balse waxaan rajeynaa in xalqada 24aad xiiso yeelan doonto misna dhacdooyinka lahormarin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here