Pawan kalyan waa mid ka mid ah aktarada ugu caansan fanka telugu isagoo ka mid ahaa halyeeyada usoo halgamay inuu kor u qaado fanka telegu

sanadkii 2001 pawan waxa uu xiligaas ahaa aktarka ugu awoodda badnaa boxx office ka isagoo sandkan sameeyay aflaamo waa weyn sida filimka khushi filimkan waxaa pawan u maal-geliyay ninka lagu magacaabo am rathman ka dib filimkaas waxa ay labadan iskala soo shaqeeyeen aflaamo oo waa weyn

dhawaan pawan ayaa waxa uu saxiixday filimka uu soo sare ka yahay am rathman halka uu director ka yahay ninka uu sameeyay filimka khushi ee sj suryah laakiin pawan ayaa ka yaabsaday qof walba ka dib markii si la yaab leh ugu dhawaaqay inuu iska joojiyay jilista aflaamta waxa uuna ku biiray siyaaada

hadda pawan kalyan ayaa waxa uu la hadlay am rathman iyo sj suryah isagoo ka codsaday inay filimkaas hogaamiye ka dhigaan wiilka uu adeerka u yahay sai dharam tej kaaso ka mid ah akatarada dhalin-yarada kuwooda ugu caansan sidoo kale am rathman ayaa sheegay in hadda mashruucan ay ku wareejiyeen sai dharam tej maadaama aysan diidi karin hadalka aktarka pawan kalyan pa sidoo kale pawan inkastoo uu jilista aflaamta uu iska joojiyay jilista aflaamta haddane waxa uu am rathman u balan qaaday inuu filimkan u xayeesiin doono marka la gaaro daawashadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here