Thalapathy Vijay filimkiisii ugu dambeeyay Master HIT ayuu noqday markii tiyaatarada la saaray 13-kii Janaayo 2021 sidoo kalena waxaa siweyn looga helay qaabka uu mashruucan u matalay uu ku jilaayay Professor-ka qamri cabka badan laakiin markii dambe qalbigiisa is badalaayo si uu u caawiyo caruurta daroogada lagu iibsado ee uu ka dambeeyo Vijay Sethupathi.

Haatan waxaa la ogaaday Thalapathy Vijay filimkiisa 65-aad ee uu hogaamiye ka yahay balse aan weli wax magac ah loo bixinin inuu shaqadiisa kowaad ama duubista jadwalka kowaad bilaabi doono bisha April ee sanadkan waxaana Director ka ah Nelson Dilipkumar halka shirkada Sun Pictures maal galineyso waana filim Action iyo qayaano isku jirto ah intiisa badana meelo ka baxsan Hindiya ayaa lagu duubi doonaa.

Waxaa la isla dhex maraa Vijay filimkiisa 65-aad in Pooja Hedge atirisho kowaad ka tahay balse weli arinkaas lama xaqiijinin waxaana la qorsheenaa mashruucan in feestada Pongal la daawadao oo ku beegan todobaadka labaad ee bisha Janaayo 2021 sanadka dambe sidoo kalena bisha Maarso ee nagu soo fool leh ayaa lagu dhawaaqi doonaa dhamaan jilaayaasha kale ee doorarka muhiimka ah filimkan ku yeelan doonaan.

Dhinaca kale Nelson Dilipkumar oo Vijay filimkiisa 65-aad agaasimayo wuxuu sheegay inay sharaf weyn u tahay agaasinka filimkan xiisaha badan ee Vijay hogaamiye ka yahay wuxuuna filim sameeyahan sheegay inuu hadda ku mashquulsan yahay soo gaba gabeynta filimka lagu magacaabo Doctor oo Tamil ah waxaana hogaamiye ka ah Sivakarthikeyan waxaana la daawan doonaa 26 Maarso 2021, kadib ayuu filim sameeyahan Vjijay mashruuciisa shaqada duubista bilaabi doonaa sida uu xaqiijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here