The Nun oo ganacsi wacan sameeyay todobaadkiisa kowaad halka Paltan iyo Laila Majnu Flop noqdeen

Filimka Hollywood-ka ee cabsida badan The Nun ayaa ganacsi wacan gudaha Hindiya ka sameeyay todobaadkiisa kowaad wuxuuna keenay 38 Crore (Trade Figure) waana ganacsiga ugu badan taxanahan hal todobaad ka sameeyo gudaha Hindiya wuxuuna ka lacag badiyay filimada The Conjuring 2 iyo Annabelle Creation oo mashruucaan hoos imaadaan taxane ahaan todobaadka kowaad.

Jimcada labaad tiyaatarada uu helo iyo sida uu isku celiyo ayaa filimka The Nun laga ogaan karaa inuu 50 Crore cimri ahaantiisa hiigsan karo waana loolan horyaalo madaama Jimco walbo hal ama labo filim tiyaatarada Hindiya la saarayo.

Waxaa muuqato The Nun inuusan gaari doonin filimka The Conjuring 2 oo 62 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyay taxane ahaana is hoos imaadaan.

Fadlan hoos kaga The Nun iyo ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay todobaadkiisa kowaad soona daabacday shabakada BOI:

Khamiis – 25 Lakh (gelinkii dambe ayaa tiyaataro kooban laga daawaday)

Jimco – 7.75 Crore

Sabti – 10 Crore

Axad – 9.75 Crore

Isniin – 3 Crore

Talaado – 2.75 Crore

Arbaco – 2.25 Crore

Khamiis – 2.50 Crore

Wadarta Guud – 38.25 Crore (Trade Figure)

Filimka dagaalka ah Paltan waa mid si dhaqsi ah ku guul dareestay oo FLOP ah madaama uu todobaadka kowaad keenay 7 Crore waxaana xusid mudan Director JP Dutta filimkiisa dagaalka Classic ah ee sanadii 1997 la daawaday uu keenay 6.25 Crore todobaadka kowaad marka fashilka Paltan ku dhacay halkaas ayaaba tusaale noogu filan in filim la daawaday 21-sano ka hor todobaadka kowaad ganacsi ahaan iska ag dhow yihiin!

Sidoo kale Director JP Dutta filimkiisa kale ee dagaalka ah LOC Kargil ee sanadii 2003 la daawaday isagana 10.62 Crore ayuu todobaadka kowaad keenay sida darteed Paltan waa filim fashilmay oo hoos u dhigay sumcadii uu lahaa ruug cadaa JP Dutta oo filimada dagaalka waligiis looga dambeyn jiray daawadayaasha ku qasbi jiray tiyaatarada inay soo aadaan.

Filimka jaceylka ah Laila Majnu isaganw uu bur buray ganacsi ahaan wuxuuna keenay 2.35 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa kowaad waxaana xusid mudan in filimkan ganacsigiisa cimri ahaan uu kala bar kala ekaan doono isla filimka magaca Laila Majnu watay ee sanadii 1976 la daawaday sidoo kale Rishi Kapoor hogaamiye ka ahaa waxaana xusid mudan qiimaha tikit-ka Laila Majnu 1976 la daawaday 98% uu ka yar yahay qiimaha tikit-ka Laila Majnu maanta la daawaday!!!!

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*