Home » Box Office » The Nun – Paltan iyo Laila Majnu ganacsiga ay sameeyeen Isniintooda kowaad

The Nun – Paltan iyo Laila Majnu ganacsiga ay sameeyeen Isniintooda kowaad

Filimka Hollywood-ka ee cabsida badan The Nun ayaa hoos u dhac sameeyay Isniintiisa kowaad wuxuuna keenay 3 Crore (Trade Figure) balse filimkan waa mid gudaha Hindiya ka guuleestay madaama mudo afar maalmood ah uu 31 Crore (Trade Figure) kusoo xareeyay.

Sidoo kale waxaa muuqato The Nun inuu keeni doono 40 Crore todobaadkiisa kowaad kadib todobaadkiisa labaad sida uu ku furmo ayaa laga cabir qaadan doonaa haddii mashruucaan 60 Crore gudaha Hindiya kasoo xareen karo inkastoo midaas ku adkan doonto madaama Isniintiisa kowaad uu hoos u dhac weyn sameeyay.

Fadlan hoos kaga The Nun iyo ganacsiga uu gudaha Hindiya ilaa haatan ka sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Khamiis – 25 Lakh (gelinkii dambe ayaa tiyaataro kooban laga daawaday)

Jimco – 7.75 Crore

Sabti – 10 Crore

Axad – 9.75 Crore

Isniin – 3 Crore

Wadarta Guud – 30.75 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka dagaalka ah Paltan ayaa hoos u dhac 50% sameeyay Isniintiisa kowaad marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad ganacsiga uu sameeyay wuxuuna keenay 60 Lakh (Trade Figure) maalintiisa afaraad waana ganacsi muujinaayo filimkan inuusan meelna u soconin.

Sida muuqato Paltan todobaadkiisa kowaad 7.25 Crore ka badan ma keeni doono kadibna masii socon doono madaama uusan daawadayaal ku filan heesanin kuna guul dareestay inuu ka gudbo tijaabada Isniintiisa kowaad.

Fadlan hoos ka eeg Paltan iyo ganacsigiisa mudo afar maalmood ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) waana filim aan sii socon doonin:

Jimco – 1.20 Crore

Sabti – 1.70 Crore

Axad – 2.10 Crore

Isniin – 60 Lakh

Wadarta Guud – 5.60 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii filimka Laila Majnu isagana wuu bur buray Isniintiisa kowaad asigoo keenay 20 Lakh (Trade Figure) sidoo kalena todobaadkiisa kowaad qiyaas ahaan 2.25 Crore ayuu keeni doonaa kadibna tiyaatarada kooban ee laga fiirsanaayo waa lag wareejin doonaa madaama uusan macaamiil muuqato heesanin.

Fadlan hoos ka eeg filimka Laila Majnu iyo mudo sedex maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 35 Lakh

Sabti – 50 Lakh

Axad – 70 Lakh

Isniin – 20 Lakh

Wadarta Guud – 1.75 Crore (Trade Figure)