The Nun, Paltan & Laila Majnu Maalintooda shanaad ganacsiga ay sameeyeen

Filimka Hollywood-ka ah The Nun ayaa shalay oo Talaado ahayd is celiyay ganacsi ahaan wuxuuna keenay 2.75 Crore (Trade Figure) asigoo hoos u dhac yar sameeyay marka lala bar bar dhigo Isniintii ganacsiga uu sameeyay.

The Nun haatan wuxuu soo xareeyay 33.50 Crore (Trade Figure) mudo shan maalmood ah waxaana muuqato inuu todobaadkiisa kowaad keeni doono 38 Crore waana ganacsiga ugu badan hal todobaad uu sameeyo taxanahan cabsida badan gudaha Hindiya.

adlan hoos kaga The Nun iyo ganacsiga uu gudaha Hindiya ilaa haatan ka sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Khamiis – 25 Lakh (gelinkii dambe ayaa tiyaataro kooban laga daawaday)

Jimco – 7.75 Crore

Sabti – 10 Crore

Axad – 9.75 Crore

Isniin – 3 Crore

Talaado – 2.75 Crore

Wadarta Guud – 33.50 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka dagaalka ah Paltan ayaa hoos u dhac dheeraad ah sii sameeyay maalintiisa shanaad wuxuuna keenay 50 Lakh asigoo haatan 6.10 Crore (Trade Figure) keenay mudo shan maalmood ah.

Paltan todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa 7 Crore waxaana muuqato inuusan meelna usii socon karin sidoo kalena ganacsigiisa 20% wuxuu kala ekaan doonaa ganacsigii uu sameeyay filimka dagaalka ah Border sanadii 1997 kaasi oo 37.45 Crore soo xareeyay 21-sano ka hor weliba qiimaha tikit-ka Border xiligaas lagu iibsanayay wuxuu ahaa 20 Rupee halka Paltan 140 Rupees tikit-kiisa lagu goosanayo waxaana muuqato Director JP Dutta sameynta filimkan inuu jab xoogan kala kulmay!

Fadlan hoos ka eeg Paltan iyo ganacsigiisa mudo shan maalmood ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) waana filim aan sii socon doonin:

Jimco – 1.20 Crore

Sabti – 1.70 Crore

Axad – 2.10 Crore

Isniin – 60 Lakh

Talaado – 50 Lakh

Wadarta Guud – 6.10 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii filimka Laila Majnu isagana wuu bur buray Talaadadiisa kowaad asigoo keenay 20 Lakh (Trade Figure) sidoo kalena todobaadkiisa kowaad qiyaas ahaan 2.25 Crore ayuu keeni doonaa kadibna tiyaatarada kooban ee laga fiirsanaayo waa lag wareejin doonaa madaama uusan macaamiil muuqato heesanin.

Fadlan hoos ka eeg filimka Laila Majnu iyo mudo sedex maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 35 Lakh

Sabti – 50 Lakh

Axad – 70 Lakh

Isniin – 20 Lakh

Talaado – 20 Lakh

Wadarta Guud – 1.95 Crore (Trade Figure)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*