Priyanka Chopra soo dhaweyn wanaagsan kama helin daawadayaasha Hindiga ah mudo afar sano kadib ay soo laabatay filimkeeda cusub The Sky Is Pink oo uu la jilaayo Farhan Akhtar daadka ayaa qaaday madaama todobaadkiisa kowaad ganacsi aad u liito sameeyay oo ah 15.50 Crore (Trade Figure).

Filimka The Sky Is Pink wuxuu ahaa mid reer magaalka loogu tala galay xitaa reer magaalka daawashadiisa uma soo wada bixin taasina waxay sababtay in ganacsigiisa ugu wanaagsan Sabti iyo Axad uu sameeyay halka shanta maalmood kale soo hartay todobaadkiisa kowaad mashruucan uu dhulka galay.

Filimka The Sky Is Pink todobaadkiisa labaad tiyaatarada baaqi ayuu kusii ahaan doonaa madaama aysan jirin aflaan saameyn leh oo masraxa la saarayo laakiin fursadaas kama faa’iideesan karo madaama todobaadkiisa kowaadba uusan ganacsi wanaagsan sameynin sidaa darteed cimri ahaantiisa 20 Crore ma dhaafi doono waana mashruuc guul dareestay.

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Joker ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa labaad wuxuuna keenay 17.50 Crore (Trade Figure) wuxuuba ka lacag badiyay filimka The Sky Is Pink oo masraxa ku cusubaa weliba filimka Joker hal luqad oo Af Ingiriis ah kaliya ayaa lagu daawanaa iyo tiyaataro xadidan laakiin daawadayaal ku filan ayuu heestaa oo fariintiisa ka heleen.

Filimka Joker mudo labo todobaad ah wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 55.15 Crore (Trade Figure) waa mashruuc Big HIT noqday sidoo kalena ku socdo sidii uu 65 Crore cimri ahaantiisa ku gaari lahaa filimkan gudaha Hindiya sida weyn kaga hirgalay.

Fadlan hoos kaga bogo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay filimka Joker soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 37.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Todobaadka labaad – 17.65 Crore

Wadarta Guud – 55.15 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here