Home » Box Office » Thug Of Hindustani Oo Bollywoodka Tusay Jaceylkii Qarsoona Ee U Hayaan Dad Weynaha Reer India

Thug Of Hindustani Oo Bollywoodka Tusay Jaceylkii Qarsoona Ee U Hayaan Dad Weynaha Reer India

maanta waxaa tiyaarada la saaray filimkii sida weyn loo sugaayay ee thug of hindustani oo ay hogaamiye ka yihiin aktarada kala ah amir khan iyo amithab bachachan iyadoo maalintii shalay ay bilaabatay hadal-hayn niyad-jab weyn ku riday dhamaan rajadii shirkadda Bollywoodka.

madaama ay doonayeen in filimkan u jabiyo rikoor walba uu dhigay filimka baahubali 2 laakiin wax walba way is badalayn ka dib markii Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo daabacday in filimka Thugs Of Hindostan 50 Crore ka talaabsanayo ganacsigiisa maalinta kowaad

waana iskoor taariikhi ah asigoo dhaafay filimkii Prem Ratan Dhan Payo oo 39.32 Crore keenay ahaana filimka Bollywood-ka maalinta kowaad ugu bilaabashada wanaagsan sidoo kalena Baahubali 2 oo Hindiya dhan iskoorka u heestay kaasi oo keenay 40.73 Crore maalintiisa kowaad.

waxaana amir khan iyo amithab bachachan ay u sheegayaan shirkadda bollywoodka in weli ay haystaan taageerayaal Jeceyl madaama filimkii shalay oo dhan la eedeenaayay inuu noqon doono mid bur-bur ah inuu noqdo filimka ugu weynaa dhawaanahan la arko

marka laga cabir qaato lacagta uu keenay maalitiisa kowaad waxaana bollywoodla u baahan yihiin inay casharo ka qaataan filimka thug of hindustani kaaso ay hogaaminayaan labo qawadood kuwaaso dadka ku qasbay inay si dhaksi badan ay ku yimaadaan tiyaatarada

waxaana haboon in aktarada bollywoodka ay dib ugu noqdaan xiliga 90s iyo bilowga qarniga oo la arki jiray hal filim oo ay ku midoobayn aktaro awood leh sida karan arjun, hum dil de chuke sanam, darr, kuch kuch hota hai, kabhi khusi kabhi gham, Border ,mohabatein , suhaag, mohra, ishq iyo aflaamo kale oo badan

waxaana xiligaas dadka ay ahaayeen kuwa daacad u ah aflaamta bollywoodka sidoo kalen iyaga waxa ay la imaan jirayn aflaamo waa weyn kuwaaso ay hogaamiye ka yihiin aktarada kala caan ah laakiin maalmaha dambe lama arag filim weyn kuwaaso ay hogaamiye ka yihiin aktarada kala awood leh sida shah rukh khan ajay Salman Khan akshay kumar iyagoo mid walba uu doonaayo inuu filim kaligiisa hogaamiye ka noqdo

laakiin dhawaanahan lama arkin filim ay ku midaysan yihiin aktaro awood leh waama mid dhulka dhigtay bollywoodka sanadahan dambe laakiin filimka thug of hindustani waxa uu dib u kiciyay dareena shaqsiyaad fara badan waxaana Rajeenaya inay si weyn shirkada bollywoodka inay si weyn uguĀ  tusaale qaataan filima thug of hindustani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *