Waxaa haatan si habsami ku dheehan u socoto duubista jadwalka kowaad filimka weyn Baaghi 3 ee Tiger Shroff iyo Shraddha Kapoor hogaamiyaal ka yihiin sidoo kalena mashruucan waxaa lagu soo daray Riteish Deshmukh oo isagana door adag ku leh waxaana mashruucan Director ka ah Ahmed Khan.

Filimka Baaghi 3 waxaa la daawan doonaa 6 Maarso 2021 dhawaana duubistiisa Yurubta Bari ayaa laga amba qaadi doonaa ayadoo Serbia iyo Georgia lagu duubi doono waxaana la sheegay in Tiger si caalami ah loo soo tababary si uu ficil walbo halis ah 100% kaga run sheego mana lagu gaaro xidigan dhanka Action-ka iyo ficilada halista ah waxaana haggi doonaan quburo caalami ah oo ficilada halista ah sameyntooda looga haray.

Waxaa la sheegay in Tiger iyo Riteish labo walaalo ah Baaghi 3 ku jilayaan aadna isku fahansan balse mararka qaarna isku dhacayaan ama is dagalayaan waxaana lagu kalsoon yahay in daawadayaasha in badan ka heli doonaan wacdaraha ay shaashada ka dhigi doonaan.

Sidoo kale Shraddha Kapoor waxaa la sheegay in Baaghi 3 ku jileyso ku jileyso gabbar diyaaradaha rakaabka ka shaqeyso sidoo kalena ficilo halis ah sameyn doonto mana ku cusub xidigtan taxanahan madaama qaybtiisii kowaad Baaghi ay sanadii 2016 door adag ka qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here