Dhawaanahan Bollywood-ka xeer ayay u noqotay inay dib u sameeyaan heesihii Classic ahaa iyo aflaantii beri samaadkii madaama hal abuurka fanka Hindiya ku yaraaday markaana Tiger Shroff ayaa dib u sameeyay heeskii hir galay ee Superstar Mithun Chakraborty waligiis lagu xasuusan doono I am a Disco Dancer ee ku jirtay filimkii caanka ahaa Disco Dancer.

Heeskan cusub ee Tiger dib usoo casriyeeyay waxaa loo bixiyay magaca I am a Disco Dancer 2.0 sidoo kalena waa Album Video ama hal hees oo barta Youtube shirkada Saregama Music soo dhigtay waxaana heeskan ku luqeenayo Benny Dayal halka Salim-Sulaiman muusigada sameeyeen sidoo kalena Bosco Leslie Martis ayaa Dance-ga diyaariyay.

Balse Tiger heeskan laguma amaanin waana lagu maadeestay madaama lagu tilmaamay mid aan waligiis soo dhaweyn doonin tamartii iyo Dance-gii Mithun masraxa ka muujiyay sidoo kalena dadka qaar waxay dhaheen Tiger wuxuu maamuus u sameeyay Hrithik Roshan oo uu taageero u yahay madaama marnaba uusan soo dhaweynin qaabkii Mithun heeska Disco ugu xarakeeyay. Qadka qaarna waxay dhaheen Bollywood-ka hal abuurka wuu ka dhamaaday markaana waxay bur burinayaan heesihii hore ee sida cajiibka badnaa loo diyaariyay.

Fadlan hoos ka daawo dadaaka u sameeyay Tiger iyo qaabka uu Dance wacan ugu muujiyay heeska I am a Disco Dancer oo dib loo casriyeeyay laakiin Mithun bandhigiisii marnaba midkaan hala bar bar dhigin hadaa rabtidna Video-ga heeskii hore asalka ahaa hoos ka daawo marka aad daawatid midkaan cusub:

Heeskii asalka ahaa I am a Disco Dancer bal daawo iyo xarakadii lama ilaawaanka ahaa Mithun Chakraborty shaashada ka muujiyay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here