Superstar-ka mustaqbalka dhow ee Bollywoodka Tiger Shroff ayaa qiirooday xili uu wareyso bixinaayey maalmahan xayeysiin balaarana uu u sameynaayey filimkiisa WAR ee tiyaatarada saaran kaaso Hrithik Roshan la jilaayo.

Tiger oo dhinaciisa HR fadhiyay ayaa saxaafada la wadaagay sida uu u jeclaan jiray waligiis HR taageerana uu ugu ahaa waxuu kaloo sheegay inuu ku riyoon jiray la kulankiisa iyo inuu shaashada kala soo muuqdo isagoo Filim la sameeynaayo.

“Yaraanteyda waxaan jeclaa Hrithik si xad dhaaf ah 19 sano kahor markuu Bollywoodka yimid ayaan jeclaaday ana Bollywoodka labiskiisa ayaa suuqa ka raadsan jiray isla noocaad inaan soo iibsado ayaa jeclaa.”

“Sidiisa ookale inaan Dance-ga ubarto una ciyaaro ayaan jeclaa ugu dambeyn riyadeyda ugu weyn waxay ahed la kulankiisa iyo inaan shaashada kala soo muuqdo maantana(markuu halkaa maraayo wuu ilmeeyay Hrithik oo dhankiisa fadhiyayna wuu isku duubay) maantana riyadaas wey ii rumowday.”

Filimka WAR waxaa tiyaatarada la saaray 2 October maalintiisa 4-aad ayuuna tiyaatarada saaran yahay durbana waxuu noqday Filim guul wacan gaaray waxuuna kusocdaa wadadii Blockbuster uu ku noqon lahaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here