Home » . » Tiger Shroff Filimkiisa Rambo Remake Oo Duubistiisa Dib Loo Dhigay Waxaana U Sabab Ah Filimka Hrithik Isla Jilaayaan

Tiger Shroff Filimkiisa Rambo Remake Oo Duubistiisa Dib Loo Dhigay Waxaana U Sabab Ah Filimka Hrithik Isla Jilaayaan

Todabaadyo ka hor shirkada Yash Raj Films waxay shaaca ka qaadeen mashruuc weyn oo wada jili doonan Super Star Hrithik Roshan iyo jilaaga lawada jacel yahay Tiger Shroff.

Maadaama mashruucaas weyn shaaca laga qaaday Tiger hori waxaa ugu diyaarsana filimka Rambo Remake oo kaarta xitaa hori looga soo bandhigay.

Shabakada Mid-Day, sida laga soo xiganaayo Tiger haatan wuxuu mashquul ku yahay sameynta Baaghi 2 wuxuuna dhameyn doona bisha December.

Dhinaca kale Hrithik Roshan wuxuu bilaabi doona sameynta filimka looga hadlaayo nolasha Anand Kumar markuu dhameeyo ayay ka wada shaqeyn doonan filimka Shirkada Yash Raj Films iska leh lana daawan doono bilawga 2019.

Sidaa daraadeed Tiger fursad uma heli doono inuu bilaabo duubista filimka Rambo Remake waxaan u sabab filimka weyn ee Hrithik Roshan isla jilaayaan.

Rambo Remake ayaana la shaaciyay in duubis lagu bilaabi doono dhamaadka sanadka danbe waxaana la daawan doon dabyaaqada 2019.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *