Home » Wararka Maanta » Tiger Shroff “Hrithik waa shaqsiga aan ku daydo waligey lama tartamo doono heerkiisana ma gaari kari”

Tiger Shroff “Hrithik waa shaqsiga aan ku daydo waligey lama tartamo doono heerkiisana ma gaari kari”

Bilooyin ka hor waxaa lagu dhawaaqa filim weyn oo ay wada sameyn doonaan Superstar Hrithik Roshan iyo Young Star Tiger Shroff waana filim Action, qayaano iyo xarakaad dheeri ah leh.

Shirkada Yash Raj Films oo mashrucaan maal galineyso ayaa sheegtay in la daawan doono 25 Janaayo 2019 sidoo kalena Hrithik iyo Tiger filimkaan ku xifaaltami doonaan ayagoon waxba isku reeban doonin.

Balse Tiger ayaa iska diiday in lala bar bar dhigo ama hadalka loo dhigo inuu Hrithik la tartamaayo wuxuuna yiri “Ilaa hada waan aamini weesanahay inaan Hrithik Roshan filim la sameenayo!”

“Hrithik waa macalinkeyga, waa midka i dhiiri galiyo waa saaxiibkey hadii aan isaga ku dayan laheyn maanta atoore ma noqon laheyn”

“Wax walbo oo aan aqaan Hrithik ayaan ka bartay sidaa darteed waligey lama tartami doono sidoo kalena heerkiisa ma gaari doono waayo arday macalinkiisa lama tartami karo”

“Balse filimka shirkada Yash Films iska leedahay waa mid xiiso badan oo aan ku kalsoonahay inay daawadayaasha ka heli doonaan wada shaqeynta aniga iyo Hrithik na dhex mareyso”

Filimkaan aan magaca loo bixinin waxaa Director ka ah Siddharth Anand oo horey u sameeyay filimo kala duwan oo uu ka mid yahay Bang Bang halka Vaani Kapoor jaceyl la wadaageyso Hrithik Roshan.

One Response to Tiger Shroff “Hrithik waa shaqsiga aan ku daydo waligey lama tartamo doono heerkiisana ma gaari kari”

  1. ahmed abdulkadir Reply

    December 6, 2017 at 9:15 am

    waa sax arday iyo macalinkii weeye
    HR&Tiger
    waa idin sugayna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *